Aljeeriya: Madaxweyne Cabdicasiis Buutefliiqa oo markii 4aad ku guulaystay Madaxtinimada, xilli gaadhi-gacanka bukaanada lagu riixayo (Warbixin)
ALGIERS 18, April 2014 (SDN)- Madaxweynaha Algeria Cabdulcasiis Buutefliiqa oo xukunka hayay 15 sannadood, ayaa markii afraad ku guulaystay madaxtinimada dalkaas oo ku yaala Galbeedka qaaradda Afrika.
Madaxweyne Abdelaziz Bouteflika wuxuu helay inka badan boqolkiiba 81 (81.53 percent of votes) codadkii la dhiibtay, sida uu Jimcahan maanta sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha Algeria Mr. Tayeb Belaiz, kadib doorashadii madaxtinimada ee codbixinteeda la qabtay Khamiistii shalay.
Madaxweyne Buutefliiqa hadda 77-jir ahi, wuxuu xilka Madaxweynenimo hayay muddo 15 sannadood ah, iyadoo haatan uu markii afraad xukunkaas qabanayo, xilli uu haatan caafimaadkiisu liito, isla markaana lagu riixayo gaadhi-gacanka loogu talogalay dadka bukaanada ah.
Murashaxiin dhowr ah oo doorashada ka qaybgalay, Bouteflika waxa ugu soo dhawaa Mr. Ali Benflis, kaasoo helay 12.18 boqolkiiba codadkii la dhiibtay, isla markaana kaalinta labaad ka galay tartankaas madaxtinimada dalka Algeria, sida Wasiirku sheegay.
Laakiin, siday ku warantay wakaalada wararka ee Associated Press, Mr. Ali Benflis oo ah ninka ugu adag ee la tartamayay, waxa uu mar horeba dhaleeceeyay doorashadaas oo uu ku sifeeyay mid lagu sameey “wax-isdaba-marin heerkiisu sareeyo,” kadib markii ay codbixintu Khamiistii xidhantay.
Hase yeeshee, wasiirka Daakhiliga Algeria Tayeb Belaiz, wuxuu amaanay natiijada doorashada, wuxuuna ku sifeeyay mid u dhacday hab xor iyo xalaal ah, taasoo uu sheegay inay muujinayso in boqolkiiba 51.7 ay usoo baxeen si ay codkooda u dhiibtaan, taasoo 75-boqolkiiba ka hoosaysa sidii loogu soo baxay doorashadii u dambaysay ee Mr. Buutefliiqa ku guulaystay sannadkii 2009.
Tan iyo markii uu sannadkii tegay xanuunka Faaligu haleelay Madaxweynaha la doortay oo hadda 77-jir ah, waxa jiray walaacyo ku saabsan awoodda Madaxweynuhu u wadi karo dalkaas oo muhiimad u leh tamarta loo iibgeeyo qaaradda Yurub.
Waxa xusid mudan, in murashaxii ugu da’da yaraa ee tartanka ka qaybgalay Mr. Abdelaziz Belaid, uu galay kaalinta saddexaad, isla markaana uu helay 3.03 boqolkiiba codadka la dhiibtay, iyadoo ay kusoo xigto haweenayda heliya ee murashaxada ahayd oo magaceeda la yidhaahdo Louisa Hanoune, taasoo heshay boqolkiiba 1.37 codadka la bixiyay.
Qurbejoog.com, Algiers