”Al-shabhab iyo boko haram Waa khatarta kaliya ee Africa” Madaxweyne Obama
Washington 06.Aug 2014 (SDN/QJ)- Madaxweynaha mareykanka Brack Obama ayaa ku dhawaaqay in dowladiisu ay lacag 33 bilyan ah ay ugu deeqday qaarada Africa ,iyadoo ay jirto in mareykanku uu loolan kula jiro midowga yurub iyo wadanka China.
Balse madaxweynaha mareykanka ee kasoo jeeda Africa ayaa qaarada Africa umuujinaya in mareykanku ay garab taaganyihiin.
“Madaxweyne ahaan ,waxaan cadeynayaa inaan go’aansaday inaan Jaal la noqo qarada Africa waliba saxiibtinimo guuleesata” ayuu yiri madaxweyne Brack Obama.
“Ma fiirinayno kaliya Kheyraadka Africa ee waxaan rabnaa inaan caawino dhamaan Africa iyo ganacsatada” waxa uu sidaas u sheegay madaxweyne Obama 45-madaxweyne oo kulankaasi joogta.
Madaxweynaha mareykanka Brack Obama ayaa calaamadeeyay arinta laxadhiidhta xag jiriinta qaarada Africa isagoo sheegay in kooxaha kala ah alshabab iyo Boko haram ay yihiin kuwa ugu qatarta badan Africa.