|

“Al-Shabab dalka waan ka saaraynaa Sanadkan” Raisal Wasaaraha Somalia

Muqdisho 03.Feb 2014 (SDN)- Ra’iisulwasaraha DFS Cabdiwali Shiikh Axmed ayaa sheegay inay diyaariyeen qorshe balaaran oo lagula dagaalamayo kooxda alshabab.

cabdiweli-sheekh2Waraysi uu siiyay BBC ayuu ku sheegay Cabdiwali Shiikh Axmed inay ku hanwayn yihiin sanadkaan inay wax badan dhanka ammaanka ka qaban doonaan,isla markasna dalka laga sifeeyo kooxda alshabab oo uu ku sheegay nabad diid.

”Dadka dhibaatooyinka laga sheeganaya dhamaantood ma wada ahan ciidanka,dad badan oo dareeska ciidanka qaata ayaa jira oo ku dhuunta,laakiin waa arin aan howl ka wado si looga hortagi lahaa dhibka shacabka soo gaara”.
”Waxan hiigsanaynaa oo aanu ku soconaa sanadka 2016-ka dalkaan inuu marxalad cusub oo doorashooyin u gudbo,marka dowladdaan culuska waxay saaraysaa meeshaas sidii lagu tagi lahaa,waxa ugu horeeya waa in amniga la sugo”.
Arrimaha kale uu ka hadlay Mudane Cabdiwali Shiikh ayaa ahayd dhamaystirka dastuurka wali qabyadda ah oo la sheegay in laga saaray qodobo muhiim ah oo dalku ku kala socon lahaa.

Hadalka Ra’iisulwasaraha DFS ayaa waxa uu kusoo aadayaa xili habeenimadii xalay magalada Muqdisho gaar ahaan halka mashquulka badan ee Maka-almukarama laga maqlayay madaafiic cul culus.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed