Al-Shabaabta Galgala oo Sheegatay inay Puntland ka Dishay 61 Askari, Wararkii u dambeeyey & Jawaabta Maamulkaas
Galgala/Boosaaso 08. June 2017 (SDN/QJ):-Ururka Al-shabaab, ayaa sheegtay in ay saaka weerar ku qaadeen saldhig ciidan oo ay leeyihiin Ciidammada Maamul-goboleedka Puntland.
Waxay sheegeen in ay halkaas ku dileen 61 askari oo ka tirsan ciidammadii saldhigaa joogay ayna qabsadeen 16 gaardhi. Weerarka ayaa ka dhacay degaanka Af-urur oo ka tirsan Galgala oo Boosaaso u jirta 70 km, halkaas oo uu ku yaalay saldhig militari oo ay leeyihiin ciidammada daraawiishta ee Puntland.
Weerarku wuxuu billawday xiligii saxuurta, wuxuuna socda in ka badan saddex saacadood. Si rasmi ah loo ma oga qasaaraha ka dhashay weerarkaas oo ay sheegatay kooxda Shabaab.
Wasiirka Amniga ee Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) oo BBC u warramay, ayaa xaqiijiyay weerarka, balse wuxuu beeniyay Sheegashada Ururka Al-Shabaab ee tirada Askarta ay dileen, waxaanu intaas ku daray in Saldhiggu uu haatan gacanta ugu jiro Ciidammada Puntland, balse wuxuu ka gaabsaday in uu bixiyo faahfaahin intaas ka baxsan.
Ciidanka Puntland iyo kuwa Al-shabaab, ayaa hore marar badan ugu dagaallamay Buuraha Galgalo. Weerarka ayaa lagu tilmaamay in uu ahaa kii ugu cuslaa ee sannadahan dambe ka dhaca Puntland.