Al-Shabaabta Gal-gala Oo Xalay Weeraray Fadhiisimada Ciidamada Maamulka Puntland ee Buuraha Gal-gala
Gal-gala,26Nov,2015(QJ/SDN)-Xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab, dhawaanna ku biiray dowladda Islaamka Daacish/ISIS ayaa xalay weerar ku qaaday fadhiisimo ciidanka Puntland ku leeyihiin deegaanka buuraleyda ah ee Galgala, iyadoo intii uu socday iska-hor-imaadka la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Wararka ayaa sheegaya in xoogagga Al-shabaab ay madaafiic ku weerareen fadhiisimaha ciidamada maamulka Puntland, iyadoo kaddib dagaal fool-ka-fool ah ku qaaday ciidamada Puntland.
Dadka ku sugan deegaannada ku dhow halka uu dagaalku ka dhacay ayaa soo sheegaya inay maqlayeen xalay hubka kala duwan oo la isku weydaarsanayay Buuraha Galgala.
Al-shabaab ayaa sheegtay in dagaal toos ah iyo madaafiic ku ay qaaday fadhiisimaha ciidamada Puntland, ayna gudaha u galeen Buuraha Galgala, inkastoo aanay sheegin khasaaraha rasmig ah ee ka dhashay dagaalka.
Maamulka Puntland iyo Al-shabaab ayaa horay dhowr jeer ugu dagaallamay Buuraha Galgala, dagaalladaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac fara badan oo labada dhinac soo kala gaadhay, inkastoo dowladda Puntland ay horay u sheegtay inay u baabi’isay Al-shabaabta Galgala.
Weerarradan ayaa imaanaya iyadoo bishii hore ay xoogag ka tirsan Al-shabaab ku dhawaaqeen inay ku biireen Daacish, taasoo ka cadheysiisay Al-shabaabta kale ee kasoo horjeeda in lagu biiro Daacish.
Xoogagga Al-shabaab ee ku biiray Kooxda ISIS ayaa waxaa hoggaaminaya Sh. C/qaadir Muumin oo ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii ruuxiiga ahaa ee Al-shabaab soo maray.
Ugu dambeyntii, taliska ciidamada Puntland ayaa maalintii shalay ahayd sheegay inay ka feejigan yihiin weeraro ka yimaada kooxda Al-shabaab ee ku biiray ISIS, isla markaana hadafkooda yahay in weerar ay isku muujinayaan soo qaadaan.
Si kastaba ha ahaatee, maamulka Puntland ayaa wajahaya caqabado dhanka ammaanka iyo millatariga ah isagoo hadda dhinacyo badan ay dagaallo kaga socdaan.