|

Al Shabaab weerar ku qaaday Buuloxaaji oo la laayay

Buuloxaaji July 22, 2024(QJ) -Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa maanta weerar qaraxyo ah ku qaaday fariisimo ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Buuloxaaji ee gobolka Jubada Hoose.

Qaraxyada ka dib Al-Shabaab ayaa weerar dhulka ah ku qaaday Buuloxaaji. Si kastaba ha ahaatee, ciidamada difaaca ayaa galay difaac adag, waxayna iska caabiyeen kooxihii weerarka soo qaaday.

Saraakiisha ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ayaa sheegay in weerarka Al-Shabaab la fashiliyay. Waxa ay xuseen in weerar rogaal celis ah lagu dilay maleeshiyaad badan oo ka tirsan Al-Shabaab, lagana qabsaday hubkii ay wateen.

Meydadka dhowr ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab ayaa lagu soo bandhigay Buuloxaaji, iyo hub fara badan oo laga soo qabtay kooxihii weerarka soo qaaday.

Comments are closed