|

“Al-shabaab waxay toogasho badheedh ah ku dileen tiro ka mid ah Mujaahidiinta Ajnabiga ah,’’ DAACISH Oo Al-Shabaab Farriin Usoo Dirtay

Muqdisho,12Dec,2015(QJ/SDN)-Ururka Dowladda Islaamiga ah ee Daacish ama ISIS ayaa ku eedeeyay Xarakada Al-shabaab ee Somalia inay toogasho ku dileen dagaalyahanno ajaanib ah oo kasoo horjeestay fikirkooda ah in laga sii mid ahaado kooxda Al-Qaacida.

ISIS ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in hoggaamiyeyaasha ay dileen Al-shabaab uu ka mid yahay dagaalyahan u dhashay dalka Sudan oo horay ay xukuumadda Khartoum ugu xukuntay dil toogasho, kaddib markii lagu eedeeyay inuu gudaha dalka Sudan ku dilay dublamaasi Mareykan ah iyo darwalkiisii.

Warbixinta ISIS ay soo dhigtay maanta baro taageera ayaa lagu xusay in ninka u dhashay Suudaan ee ay dishay Al-shabaab magaciisu ahaa; Mohamed Makawi oo Khartoum ku dilay 01-dii Jannaayo sannadkii 2008-dii dublamaasi u dhashay Mareykanka oo lagu magacaabi jiray John Ganville iyo darwalkiisii.

“Al-shabaab waxay toogasho badheedh ah ku dileen tiro ka mid ah jihaadiistayaal Ajnabi ah oo ka barbar-dagaalamayay, kaddib markii ay soo jeediyeen in lagu biro ISIS,” ayaa lagu yiri warbixinta kooxda Daacish.

Sidoo kale, Mohammed Makawi iyo Abdelbasit Haj Hamad ayaa waxay ka mid ahaayeen afar ruux xukuumadda Sudan ay xukun dil ah ku riday, inkastoo ay xabsiga ka baxsadeen sannadkii 2010-kii.

Xukuumadda Mareykanka ayaa waxay labadan hoggaamiye oo Al-shabaab ku biiray ay madaxooda dul-saartay 10-milyan oo doollar si loo helo warbixinno ku saabsan sidii lagu soo qaban lahaa.

Dhanka kale, Kooxda Dowladda Islaamiga ah ee ISIS oo ka dagaallanta dalalka Ciraaq iyo Suuriya ayaa waxay eedeynta ay maanta u soo jeediyeen kooxda Al-shabaab ee Somalia ka dagaallanta ay noqonaysaa tii ugu horreysay oo ay u soo jeediyaan Al-shabaab,

Ugu dambeyn, Inkastoo kooxda ISIS aysan magacyada xubnaha kale sheegin ayay haddana waxay xustay in tiro fara badan ay Al-shabaab toogashooyin kala duwan ku dileen dagaal-yahanno ka tirsanaa oo soo jeediyay in ISIS lagu biro intii laga sii mid ahaan lahaa kooxda Al-Qaacida.

Si kastaba ha ahaatee, Hoggaamiyeyaasha sare ee Al-shabaab ayaa horay ugu hanjabay cid walba oo isku dayaysa inay kala qaybiso safkooda inay gacan bir ah isaga qaban doonaan, iyadoo xilligan ay kooxda ka dhex taagan tahay xiisad ku saabsan in lagu biiro ISIS iyo in laga sii mid ahaado Urur-weynaha Al-Qaacida.

 

Comments are closed