|

Al-shabaab Oo Xalay Weerar Ku Laysay Askar Katirsanaa Maamulka Puntland iyo Kuwa Federal-ka

Bosaso:May,01,2015(SDN/QJ)-Xubno la filayo inay katirsanaayeen Xarakada AL-shabaab, ayaa xalay weerar qorshaysan ku qaaday Bar Kantarool oo ku taalla Duleedka Magaalada Boosaaso, waxana halkaas ay geysteen Khasaare dhimasho iyo dhaawac iskugu jira.

acoSida ilo lagu kalsoon yahay xaqiijinayaan weerarka ayaa lagu dilay hal askari labana waa lagu dhaawacay. Sidoo kale magaalada Muqdisho ayaa Shalay khamiistii lagu dilay asakri ka tirsan ciidamada dowladda.

Rag hubeysan ayaa la xaqiijiyay in deggaanka Sey biyaano ee degmada Hodan ay ku togteen askari ka tirsan ciidamada dowladda xilli uu qorigiisa watay, balse inkastoo la dilay haddana sida la sheegayo qoriga lagama qaadan.

 

 

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed