Al-shabaab Oo Xalay Qaadday Weerar ay Ku Laysay Ciidamo Tiro Badan Oo Kenyan ah, Gaadiidkii ay Wateenna Gubtay
Yumbis:May,26,2015(SDN/QJ)-Xoogag si weyn u abaabulan oo katirsan Xarakada Al-shabaab, ayaa weerar khasaare dhaliyey habeenkii xalay ka fuliyey Gudaha Waddanka Kenya, waxana ay qudha ka jireen Tiro kamid ah Ciidamada Ammaanka, halka ay Gubeen Gaadiid ay ciidamadaasi wateen.
Weerarkaas oo gaadmo ahaa, ayaa waxa uu ka dhacay Deegaanka Yumbis oo u dhaw Degmada Garisa, ee Gobolka W/Bari Kenya, iyadoo warar kala duwani halkaas kasoo baxayaan.
Ka hor inta aanu dhicin weerarka dhabagalka ah ee Shabaabka ku sameeyeen ciidamada Kenya,waxaa miino ay la qaraxday mid ka mid ah gaadiidka ciidamada Kenya, xilli uu maraayay deegaanka Faafi iyo inta u dhaxeysa deegaanka Yumbis ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.
Markii baabuurkaasi miinada ay la qaraxday ayaa waxaa gurmad uga yimid dhanka Gaarisa afar gaadiid oo ay wataan ciidamada dalka Kenya ayaa u soo gurmaday Baabuurkaasi iyo Askartii saarneyd, waxaana la socday baabuurtaasi Saraakiil ka tirsan Dowladda Kenya.
Warbaahinta dalka Kenya ayaa ku waramaysa in meel ku dhaw Magaalada Gaarisa gaadiidkaasi loo galay oo dagaal toos ah ay kala kulmeen ciidamada Xarakada Shabaab, taasi oo dhalisay in ciidamo badan oo Booliiska Kenya ka tirsan lagu dilay weerarkaasi.
Warbaahinta Kenya waxa ay sheegaysaa in ku dhawaad 20-Askari laga cabsi qabo in weerarkaasi ay ku dhinteen, halka qaar kalena ay dhaawac yihiin, maadaama weerarka uu ahaa mid dhabagal ah.
Al Shabaab afhayeen u hadlay oo lagu magacaabo C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay ka dileen ku dhawaad 20-Askari sidoo kalena ay ka gubeen shan gaadiidka dagaalka ah.
Abuu Muscab ayaa Warbaahinta Afka Shabaab ku hadasha u sheegay sidan “ciidamada Mujaahidiintu weerar guulaystay ayay ku qaadeen ciidamada Kenya khasaaraha dhimashada wuxuu ka badan yahay 20 askari halka 5 gaadhi oo gaaladu wateen lagubay.”
Majirto ilo ka madaxbanaan Shabaabka oo si rasmi ah u xaqiijinaysa in shan gaadiid ah ay gubeen ciidamada Shabaab, hayeeshe wararka madaxa banaan ay tabinayaan Warbaahinta Kenya ayaa sheegaya in suuragal ay tahay in weerarka ka dhacay Gobolka Waqooyi Bari Kenya lagu laayay Askar badan.
Ciidamada Shabaab ayaa xalay weerarkaan u dhigay ciidamada Kenya, gaar ahaan kuwa ilaaliya xuduuda Soomaaliya iyo Kenya ay wadaagaan.
SDN/QJ