|

Al-Shabaab oo Weerartay Saldhig Ciidan oo ku yaalla Wajeer iyo Booliska Kenya oo ka hadlay

Wajeer 09.July 2016 (SDN/QJ):-  Booliska dalka Kenya ayaa sheegay in dagaalyahanno Al-Shabaab ah, oo ay tiradoodu ka badan tahay Boqol, ay weerarreen Saldhig Boolis oo ku yaalla deegaanka Diif oo hoos-taga degmada Wajeer oo ka tirsan gobolka Waqooyi-Bari ee Kenya.

AL-SHABAABWararka ayaa sheegaya in dagaalyahannada oo watay saddex gaari, ay saacadihii hore ee Sabtida maanta ah rasaas ku fureen saldhigga, ayna halkaasi ka qaateen rasaas iyo labiska booliska.

 

Waxaa la sheegay in weerarka uu ku dhaawacmay hal askari oo ka tirsan booliska Kenya. Xooggaga Alshabab ayaa inta badan weerarra deegaannada Waqooyi Bari Kenya, waxaana la sheegaa in ay jiraan unugyo ka tirsan ururkaasi oo ku sugan deegaannadaasi.

Comments are closed