|

Al-Shabaab Oo Weerartay Xero Ciidamada Soomaaliya Lagu Tababaro Oo Ku Taalla Magaalada Kismaayo

Kismaayo,15Nov,2015(QJ/SDN)-Dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ayaa weerar culus ku qaaday xerada Akadeemi oo ku taal duleedka waqooyi ee magaalada Kismaayo, halkaasoo ay ku xareeysnaayeen ciidamo uu u socdo tababar oo ka tirsan kuwa Jubaland.

Weerarkan oo dhacay xilli saqdhexe ah habeen hore, waxaana uu ahaa mid xooggan iyadoo kooxdii weerarka soo qaaday iyo askartii ku sugnayd xerada uu dhexmaray dagaal xoooggan oo ay labada dhinac isu adeegsanayeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Wararka aan ka heleeyno goobtii uu weerarka ka dhacay ayaa sheegaya in ku dhawaad 10 qof oo dhinacyadii dagaalamay ah ay ku dhinteen weerarkaasi, ayadoo kooxihii weerarka soo qaaday ay iska caabin kala kulmeen ciidamadii ku sugnaa xeradaasi.

Tiro ciidamada Soomaaliya ka tirsan ayaa lagu soo waramayaa in halkaasi lagu dilay, waxaaana wararka qaar ay sheegayaan in ku dhawaad  15 ruux ay ku geeriyoodeen halkaasi.

Ma jirto ilaa hadda cid ka hadashay weerarkan, mana jiraan warar madax bannaan oo qeexaya Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi.

Al-shabaab ayaa aalaaba weerarro ku dhufoo-ka-dhaqaaq ah ka fulisa inta badan gobollada dalka Soomaaliya.

Comments are closed