|

Al Shabaab oo weerartay ciidamada Kiinya

Wajeer July 07, 2024(QJ) -Maanta ayaa waxaa qeybo ka mid ah gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ka dhacay iska hor imaad u dhaxeeyay ciidamada Milatariga Kenya iyo Al-Shabaab. Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciidamada Kenya ee la soo dhoobay Xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya ay isku dhaceen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaankaasi. Wararka ayaa sheegaya in iska horimaadku uu socday saacado badan, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac.

Sida ay sheegayaan wararka la helayo ugu yaraan 5 qof oo isugu jira milateriga Kenya iyo Al-Shabaab ayaa lagu dilay iska horimaadka. Xaalada ayaa weli ah mid kacsan, taasi oo ka tarjumeysa caqabado dhanka ammaanka ah oo ka taagan xuduuda Kenya iyo Soomaaliya.

Kenya ayaa si firfircoon uga hawlgasha howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee Soomaaliaya, iyadoo kooxdan ay inta badan weeraro ka geystaan ​​deegaannada ku teedsan xuduudka ay wadaagaan labada dal.

Comments are closed