Al Shabaab oo weerartay Balcad isla markaana furatay maxaabiis
Balcad (QJ) – Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar culus oo Al-Shabaab ay aroornimadii hore ee saakay ku qaadeen degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana xigay dagaal toos ah.
Weerarka oo billowday abaare 5:00 AM ee subaxnimo, ayaa maleeshiyada Al-Shabaab waxa ay la beegsadeen fariisimo ciidan, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xooggan.
Wararka ayaa sheegaya in kooxda ay u suuragashay in ay gudaha u galaan qeybo ka mid ah degmada, waxaana la sheegay in ay gudaha u galeen saldhiga degmada Balcad oo ay ka sii daayeen maxaabiis badan oo halkaasi ku xirnaa. Wax yar kadib waxaa degmada soo gaaray ciidamo gurmad ah, waxaana laga saaray Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday. Degmada ayaa hadda waxaa si buuxda gacanta ugu haya ciidamada dowladda Soomaaliya.
War kooban oo ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in ciidamada ay cashar u dhigeen xubnihii Al-Shabaab ee saakay weeraray degmada Balcad.
“Ciidanku waxay maanta cashar lama ilaawaan ah u dhigeen maleeshiyada Khawaarijta ah oo aroornimadii hore ee saakay weerar ku qaaday fariisimo ay ciidamada xoogga dalka ku leeyihiin agagaarka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka. Xaalada ayaa weli kacsan, waxaana dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda laga soo sheegayaa deegaanka Balcad oo hadda xaalad adag ay ka taagan tahay.
Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa muddooyinkii dambe waxaa ku soo kordhay cadaadisyo kaga imaanaya dhanka Khawaarijta (Al-Shabaab), iyadoo labadii toddobaad ee la soo dhaafay ay Shabaabku weeraro waaweyn ka fuliyeen gobolkaasi.