|

Al-Shabaab oo Weerarro Qaraxyo iyo mid Toos ah ku qabsaday Huteel Saxafi ee magaalada Muqdisho & Dagaal weli socda

Muqdisho 01.Nov 2015 (SDN/QJ)-Koox Al-Shabaab ka tirsan, ayaa saaka weerar ku qaadday Huteelka Saxafi ee magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya, halkaasoo ay markii hore weerar saddex qarax ka geysteen, ka dibna koox hubaysani gudaha u galeen Huteelkaas, oo ay ka daba galeen Ciidammada dawladda Soomaaliya.

Rasaasta ay is-weydaarsanayaan Ciidammada dawladda Soomaaliya, qaar AMISOM ka tirsan oo isku dhinac ah iyo Kooxda Hubaysan ee Al-Shabaab ka tirsan ee weerarka ku galay gudaha Huteelka Saxafi ee Caasimadda Muqdisho oo lagu soo warramayo inay degganaayeen Xildhibaanno Baarlamaanka Federaalka iyo laamaha kale ee dawladda ka tirsan, Diblamaasiyiin iyo Saraakiil beesha caalamka ka socda iyo Madaxda Xisbiyada Soomaaliya ka jira qaarkood.

Weerarradaas kuwa tooska ah iyo qaraxyada isugu jira, ayaa lagu soo warramayaa inuu sababay dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan tirada weli la xaqiijin oo dagaalku ka socdo gudaha Huteelka Saxafi, isla markaana la maqlayo Rasaasta ay labada dhinac is-weydaarsanayaan. Balse illaa shan qof ayaa la xaqiijiyey inay dhinteen inta la hubo, halka illaa tobon qof oo Meydad ah kooxaha gargaarka caafimaadku halkaas ka qaadeen.

Saraakiisha dawladda Soomaaliya oo Weriyeyaasha qaarkood isku dayeen inay wax ka weydiiyaan khasaaraha weerarkaas ka dhashay, ayaa ka gaabsaday inay wax faahfaahin ah ka bixiyaan, maaddaama oo aan weli hawlgalkaasi la soo afjarin oo uu socdo.

Huteel Saxafi ayaa ku yaalla KM4 oo u dhaw Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan-Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana dadka degganaa u badan Masuuliyiinta dawladda, sida Wasiirro, Xildhibaanno, Saraakiil iyo Masuuliyiin kale, Madax Ajaanib ah iyo Masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaradka ah ee Soomaaliya qaarkood, waxaanu ka mid yahay Huteellada ugu waawayn Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, isla markaana ugu aamminka badnaa dhinaca ammaanka.

Comments are closed