|

AL-shabaab oo weerarro la beegsatay Garoomo Diyaaradeed oo Meelo kala duwa ku yaalla

SAAAGedo:29-july-2013(SDN) Ciidamo ka tirsan ururka Alshabaab  oo aad u hubasyan ayaa habeenimadii xalay  weerar ku qaaday  fadhiisimo ciidamada dowladu ay ku leeyihiin  meelo kala duwan oo dalka ka mid ah.

 

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Alshabaab ay weerareen Agagaarka garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo, halkaasi oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowlada Soomaaliya.

 

Dhanka kale wararka ayaa sheegaya in ciidamada Alshabaab ay weerar ku qaadeen fadhiisin ciidamada dowladu ay ku leeyihiin garoonkqa Bali-doogle ee gobolka shabeelaha Hoose.

 

Ciidamada Alshabaab ayaa weerarkooda sii waday oo madaafiic kale ku garaacay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garbahaarrey ee gobolka Gedo, halkaasi oo ciidamada Ethiopia iyo dowladu ay ku sugan yihiin.

 

Lama oga qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay saddexdaasi weerar oo ALshabaab ay geysteen weeraradaa ay qaadeen, waxase uu haatan weerarkani hurdada ka kiciyey ciidamada Dawladda oo Heegan buuxa galay.

Ma aha markii ugu horraysay ee Ciidanka Al-shabaab ay weeraro ku ekeeyaan kuwa xukuumadda somaliya, waxase xoogaystay maalimihii dambe weeraradan.

 

 

Somalidiasporanews.com.

 

 

Comments are closed