|

Al Shabaab oo weeraray xero ay ATMIS degen tahay

Balcad June 15, 2024(QJ)-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar xalay saqdii dhexe xubno ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig ciidamada Burundi ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS ay ku leeyihiin degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Balcad ayaa u sheegay wariyeyaasha in Al-shabaab ay weerar ku qaadeen xerada ciidamada Burundi ee ku taalla xaafadda Xaawo-Taako, gaar ahaan agagaarka warshaddii hore ee TEX-da Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Burundi ay ka jawaabeen weerarka kaga yimid dhanka Al-Shabaab, ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay iska horimaadka.

Dadka ku dhaqan xaafadda Xaawa-Taako ee degmada Balcad ayaa cabsi xooggan ka muujiyay dagaalkaasi kooban, inkastoo xaaladda degmada Balcad ay haatan tahay mid degan.

Dhamaadkii bishii Ramadaan ee lasoo dhaafay, Al-Shabaab ayaa weerar qaraxyo ah ku qaaday degmada Balcad, iyagoo si KMG ah ula wareegay gacan ku heynta degmada.

Comments are closed