|

Al Shabaab oo weeraray Xerada Cabdaale Jannaay

Kismayo September 15, 2024(QJ) -Saaka ayaa Al-Shabaab waxa ay weerar culus ku qaadeen fariisin ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Daraawiishta Jubaland. Saldhigyada la beegsaday ayaa ku yaalla deegaanka Jannaay Cabdalle ee duleedka magaalada Kismaayo.

Weerarka ayaa ku billowday qaraxyo, waxaana xigay dagaal xooggan oo u dhaxeeyay ciidamada Al-Shabaab iyo ciidamada isku dhafka ah. Labada dhinac ayaa dagaal culus dhex maray kadib markii ay dhaceen qaraxyada hore.

Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubaland ayaa sheegay inay iska caabiyeen Al-Shabaab weerarkii Jannaay Cabdalle, iyagoo sheegay inay ku dileen maleeshiyaad badan.

Al-Shabaab ayaa dhankooda guulo la taaban karo ka sheegtay weerarka, inkastoo ilo madax banaan aysan xaqiijin karin khasaaraha ka dhashay ama aysan xaqiijin karin dhanka dagaalka.

Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro la beegsada saldhigyada ciidamada ee gobolka Jubada Hoose, iyagoo inta badan la kulma khasaare laxaad leh, iyadoo dagaalyahano badan lagu dilay weeraradii ugu dambeeyay.

Comments are closed