|

Al Shabaab oo weeraray fariisimo AMISOM ay ku leeyihiin Muqdisho

Muqdisho 20, December 2011 (Qurbejoog.com)-  Dagaalkaani oo ahaa mid Xoogan ayaa Ciidamada Al Shabaab wax ay ku qadeen fariisimo ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin Xaafadda Abagado degmada Dharkeenlay ee gobolka Banaadir.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa Al Shabaab ayaa isku adeegsaday hub cul culus, waxaana la sheegay in dagaalka uu ka dhashay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dhinacyadaasi.

“Dagaalka xalay ayaa waxa soo qaaday Ciidamada Al Shabaab, rasaas xoogan ayaan maqalnay, waan cabsanay, aniga maku sheegi karo in askar AMISOM ah ama Al Shabaabay halkaasi ay wax ku noqdeen, laakiin 3-qof oo dhaawac ah ayaan maqlay oo rayid ah” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Website-ka Somalidiasporanews.com.

Sidoo kale gudoomiyaha Maamulka degamada Dharkeenlay ee dowladda KMG ah Macalin Cabadulle Cali ‘Hilowle’ oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dagaalka ay soo qaadeen ciidamo faro ku tiris ah oo ka tirsanaa Al Shabaab, isagoo tilmaamay in dagaalka uu qasaaro kasoo gaaray.

Al Shabaab ayaa bilaabay waji cusub oo ay kula dagaalamayaan Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ku sugan Muqdisho, iyadoo aan la’ogayn halka ay ku dambeyn doonto dagaalada gaadmada ah oo ay qaadaan Al Shabaab.

 

Qurbejoog-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed