Al Shabaab oo weeraray ciidamo Kiinyan ah Lamu
Lamu (QJ) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax xooggan oo ciidamada Kenya lagula eegtay deegaan ku dhow degmada Lamu ee gobolka xeebta dalka Kenya.
Qaraxa oo ka dhashay Miino dhulka lagu aasay ayaa haleelay gaari ay la socdeen Askar Kenyan ah oo marayay deegaanka Kaambooni, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Ilo deegaanka ah ayaa ku waramaya in qaraxa kadib ay askarta Kenya rideen rasaas, waxaana ay sameeyeen howlgalo lagu baadigoobayo dadkii ka dambeeyay weerarka.
Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, waxayna sheegeen in gabi ahaan ay burburiyeen gaariga, islamarkaana ay dhimasho iyo dhaawac ku gaarsiiyeen askarta.
Dhinaca kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ammaanka Kenya oo ku aadan qaraxan la sheegay in lagu waxyeeleeyay ciidamadooda.
Xaalada goobtii uu qaraxa ka dhacay ayaa hadda degan, waxaana safarkooda sii watay ciidamada Kenya, sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.
Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fuliya gobolka Waqooyi Bari, gaar ahaan deegaanada ku dhow xadka Soomaaliya.