Al Shabaab oo Weerar ku Qaaday Saldhiga Booliska ee Magaalada Beledweyn
Beledweyn 19.Nov 2013 (SDN)-Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maleeshiyo hubaysan oo ka tirsan Al-Shabaab ay saaka weerar ku qaadday saldhig boolis oo ku yaalla magaalada, sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha gobolka, Cabdi Faarax Laqanyo.
Dableyda ayaa gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ku qarxisay albaabka dhismaha saldhigga ka hor inta aysan gudaha u galin saldhigga, xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan baarlamaanka federaalka ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.
Xildhibaan Daahir ayaa sheegay in dableyda ay billowday inay disho dadkii ku jiray saldhigga.
Ugu yaraan 22 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhimatay weerarka.
Afhayeenka howlgallada milateriga ee Al-Shabaab, Sheekh Cabdicasiis Abu Muscab ayaa u sheegay Reuters inay weerareen saldhigga booliska, ayna dileen boolis isugu jira Soomaali iyo Jabuutiyaan.
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Cabdi Faarax Laqanyo oo aan la xiriirnay ayaa sheegay inay haatan ku mashquulsan yihiin sidii ay u qiimayn lahaayeen khasaaraha ka dhashay weerarka.
Beledweyn SDN.
Qurbejoog.com