|

Al Shabaab oo weerar ka fulisay Muqdisho

Muqdisho September 28, 2024(QJ)-Al-Shabaab ayaa weerar loo adeegsaday galtaalo ku qaaday bar koontarool oo ciidamada dowladda ay ku leeyihiin degmada Kaxda. Weerarka ayaa ka dhashay iska horimaad dhex maray ciidamada dowladda iyo maleeshiyada Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday.

Isbaarada la beegsaday ayaa lagu magacaabaa Buurta Cali Jannaale, waxaana dagaalka la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay dagaalka, inkastoo saraakiisha ku sugan goobta la beegsaday ay sheegeen in ay ku guuleysteen in ay iska caabiyaan kooxda Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday.

Al-Shabaab ayaa weeraro kala duwan ka geystay magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka, waxaana weeraradaasi ay la eegteen fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda iyo kuwa ATM.

Leave a Reply