Al-shabaab oo waraaqo loogu Hanjabayo Wadayayaasha Gaadiidka Dadweynaha Ku soo Daadisay Muqdisho
Muqdisho:30-july-2013(SDN)Ururka Al Shabaab oo dagaal qadhaadh kula jira Dowladda Federalka Soomaaliya, ayaa uu Xalay warqado ku soo daadiyay qeybo kamid ah Wadooyinka Warshadaha iyo Sodonka ee Magaalada Muqdisho.
Warqadahan ayaa waxaa la sheegay inay ku qornaayeen hal ku dhigyo, lagu mamnuucaayo in gaadiidka dadweynaha, ay isku kuraas wada fadhiistaan labka iyo dhedigu.
Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in sida ay dhigeyso baa lagu yidhi Wilaayaadka Islaamiga ah, inaanay ragga iyo haweenkuba isla wada fadhiisan karin kuraasta.
Wadayaasha gaadiidka ayaa waxaa looga digay inay dhegaha ka fureystaan amarkan, iyadoo loogu hanjabay in tallaabo adag laga qaadi doono, waa haddii ay ku dhaqmi waayaan’e.
Dadka ku dhaqan Xaafaaha Juungal, Carafaat, Towfiiq iyo kuwa kale ee ku teedsan Wadooyinka warqadaha lagu soo daadiyay, ayaa waxay bilaabeen inay hadalhayaan arrintan.
Arrintan ayaa waxay noqonaysaa mid ugub ah oo ku soo korortay mushkilada bisha Ramadaanka ka aloosan Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho, iyadoo dadku ay hore baqdin uga muujinayeen dilalka iyo qaraxyada.
Ikastoo aanay haatan ururka Al-shabaab si toos ah uga arriminin Magaalada Mugdisho, haddana waxa ay arrintani cabsi dheeri ah gelisay shacabka reer muqdisho oo awalba la il darnaa qaraxyo isdaba joog ah.
Somalidiasporanews.com
Mugdisho/somalia