Al Shabaab oo u hanjabtay Shirka wada Tashiga Soomaalida ee Garoowe
Muqdisho Dec 19,2011(qurbejoog.com) kooxada Al Shabaab ee ka dagaalanta koonfurta Soomaaliya ayaa hadal hanjabaad ah ka soo saaray kulanka wada tashiga Soomaalida ee qeybtiisa labaad lagu wadao in uu ka furmo magaalada Garoowe dhawaanta.
Macalin Xaashi oo ah madaxa kooxda Al Shabaab ee Jawhar ayaa sheegay in ay weerarayaan shirka Garoowe bacdamaa buu sheegay in Gaalo ay ka danbeyso.
Sidoo kale macalin Xaashi ayaa dhaleeceeyay maamulka Puntland oo uu sheegay in ay dhbaateeyaan dadka culimada ah ee halkaa ku nool.
Shabaabka ayaa mudaba iminka waday qorshe ay colaad ugu rarayaan degaanada Puntland,maamulka Puntland ayaase tiroba dhawr jeer qabqabtay dad waday hawlo ay shabaabku ka danbeeyaan.
Qurbejoog-Garoowe
contact@somalidiasporanews.com