Al-shabaab Oo Soo Bandhigtay Muuqaalka Askari Kenyan Ah Oo Ka Mid Ah 11 U Afduuban
Ceel-Cade 23. May 2017 (SDN/QJ):- Kooxda Al-shabaab, ayaa Shalay baahisay muuqaalka askari ka tirsanaa ciidamadda Kiiniya oo bishii January ee sanadkii hore ay nolol ku qabteen, ka dib markii ay weerareen saldhig ay ku lahaayeen degaanka Ceelcadde ee gobolka gedo ee Dalka Soomaaliya.
Askarigan oo lagu magacaabay Alfred Danyi wuxuu ka mid ahaa 11 askari oo kenyan ah oo kooxda Al-shabaa gacanta ku dhigeen, ayaa ka codsaday shacabka Kenya in laga saaro gacata kooxda haysata, waxaana muuqaalka soo bandhigay hay’adda u qaabilsan Al-shabaab dacaayaadka ee Al-kataa’ib Foundation.
“ilaa iyo hadda, waanu u afduubanahay, welina wax war ah kama helin dowladdayda, mana helin wax caawin ah, waxaan ka codsanaynaa shacabka kenya inay ay ku midoobaan sidii xal loogu heli lahaa xaaladda aanu ku suganahay hadda, Ma jiro qof kale oo na caawinaya oo idiinka ahayn” ayuu yidhi alfred Danyi
Kooxda Al-shabaab wax dalab ah kuma soo bandhigin oo ay doonayaan inay ku beddeshaan 11 Askari ee gacanta ku hayaan, sidoo kale ma sheegin wuxuu noqon doono muqtaqablka Askarta keenyaanka.
Gabagabadii, Bishii January ee 2016kii ayaa ciidamada Al-shabaab qaybta Saleh Ali Nabhan ayaa xoog ku jiidhay saldhiggii milatery ee Ciidamada Kiiniya ay ku lahaayeen Degaanka Ceelcade, waxaana la aamisan yahay in ilaa 200 askari ay ku dhinteen weerarkaasi.