|

Al-shabaab Oo Soo Bandhigtay Kenyaan Maxaabiis ah Oo ay Muddo Haysteen, Kuna Dhawaaqay Inay Xorriyadoodii U Soo Celiyeen

Barawe:22-Feb-2014 (SDN)-Ururka  Dagaalka Kula Jira Dawlada Federalka Somalia ee Al Shabaab, ayaa soo bandhigay laba nin oo u dhashay dalka Kenya, oo ay maxaabiis ahaan u heysteen in Muddo ah.

laba labaUrurka ayaa markii ay Nimankan soo Bandhigayeen Sheegay inay Muslimeen oo qaateen Diinta islaamka, taasina ay Guul u tahay Ururka.

Afhayeenka guud ee Ururka Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere), ayaa  labadan nin ku soo bandhigay Masaajidka Cusmaan Bin Cafaan, oo ku yaala Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo ka mid ah Meelaha ay Kooxdu xoogga ku Leedahay.

Afhayeenka oo ka hadlay Masaajidka, ayaa sheegay in labada nin ee u dhashay dalka Kenya, ay go’aansadeen in ay qaataan Diinta Islaamka, ka dib markii ay u bandhigeen.

Cali Dheere wuxuu kaloo sheegay in raggaan ay maanta kadib yihiin kuwo xor ah, ayna sii jooggi karayaan dalka haddii ay doonayaan, haddii kalana ay dib ugu laaban karayaan dalka Kenya, xilli ay ka soo qafaasheen.

”Maanta kadib labadan ruux waa walaalaheen, waxeyna xaq u leeyihiin wax kastoo ruuxa Muslimka ah uu xaq u leeyahay, waxay xor u yihiin inay aadaan meeshay doonaan, haddii ay dalkooda dib ugu laaban lahaayeen iyo haddii dalka ay sii jooggi lahaayeen.” Sidaasi waxaa yidhi Cali Dheere.

Hadalkan ka soo Yeedhay Sheekh Cali Dheere ayaa dad badani oo maqlay ka Yaabiyey, waxana si weyn loo hadal hayaa in xorriyad ay Heleen Raggani oo ah mid aan marnaba looga Baran kooxda Alshabaab oo aan saamixin cidda ay gacanta ku dhigaan.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed