Al-shabaab Oo Sheegtay In Markii ay Dhegaha Kenya Maqli waayeen Wixii ay u sheegayeen ay Ugu Beddelaan Tallaabooyin Ficil ah
Muqdisho:April,03,2015(SDN/QJ)-Ururka Al-shabaab, ayaa ka Hadlay Weerarkii lasoo afjaray ee ay ku qaadeen Gudaha Jaamacadda Garisa, waxana ay sidoo kale faahfaahin ka bixiyeen Sababta ay u qaadeen weerarka Baaxaddaas leh.
Afhayeenka Kooxda Sheekh Cali Maxamuud Raage(cali-dheere) oo warbaahinta la Hadlay ayaa ugu horrayn tilmaamay inay jawaab ka bixiyeen Duulaanka Kenya kusoo qaadday Gudaha Somalia.
“Dowladda kirishtaanka Kenya dalkeena ayay ku soo duushay bishii october 2011, iyadoo mar marsiiyo ka dhiganeysa in amniga wadankeeda difaaceyso, iyadoo sheeganeyso labo qof cadaan la soo afduubtay daraadeed ayay u soo gashay dalkeena Soomaaliya”ayuu yidhi Cali Dheere.
Cali Dheere ayaa sheegay in Kenya aanay aqoon u laheyn waxyaabaha ay galeyso, gaar ahaan ciidamada ay u soo dirtay Soomaaliya, iyadoo ay gadaal ka riixayaan reer galbeedka, isagoo xusay inay iska indha tirtay wax alla wixii baaq ahaa oo ay u jeedinayeen.
“Kenya waxa ay galeyso wax aad u adag oo ay aqoonteeda laheyn waaye, waxaa u tilmaamnay waxyaabaha ka dhalanaya, bur burka ku imaanaya, waxaa gadaal ka riixaya danaha shisheeye iyo gaalada cad cad, waxay iska indha tirtay waxa alla wixii aan u sheegeynay waxayna u soo bareertay dhibka iyo waxa ka dhalanaya dagaala ay la gasho umad muslimiin ah, markii ay ku qanci weysay, wixii loo sheegay oo hadal ah, mujaahidiinta waxay u bedeleen ficil iyo gacan inay wax ugu sheegeen, waxay ku qaadeen intaas oo weerar oo ah tusaale iyo digniin, waa u noqon weysay, waa isu raac raaciyeen, ilaa weeraro ay ka dhacaan Nairobi, xeebta iyo Mombasa iyo dhulkan muslimiinta ee waqooyi bari” ayuu yidhi Cali Dheere.
Mar uu ka hadlayay weerarka ay Jaamacadda Gaarisa ku qaadeen ayuu sheegay in xarunta weyn ee Jaamacadaas ay aheyd goob lagu faafiyo manhajka kirishtaanka ah, isla markaana dad meelo kala duwan laga keenay la dejiyay xarunta jaamacadda loogu magac daray Jaamacadda MOI.
Waxaa uu sheegay in dableydii hubeysneyd ee gudaha u gashay jaamacadda ay wax ka badan saacad ay keligood heysteen, isla markaana dadkii ay u kala saareen kuwii muslimiinta ahaa iyo kuwa aan aheyn.
Ma ahan markii u horeysay ee ay Al-Shabaab weerar ku qaadaan gudaha Kenya, waxaana ay muddo dhowr jeer weeraro dhiig badan ku daatay ku qaadeen magaalada Mandhera, Nairobi iyo kuwa kale.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com