Al-Shabaab Oo Sheegtay In Aanay Ciidamada Kenya Ka Hadhi Doonin, Balse Ay Dalkooda Uga Daba Tagi Doonnaan
CEEL-CADDE –Ururka Dhaqdhaqaaqa Al-shabaab ayaa sheegay in aanay Kenya ka hadhayn xittaa haddii ay Soomaaliya ciidamadoodu ay ka wada baxaan, balse taas baddalkeeda ay daba socon doonnaan oo xittaa dalkooda uga daba tagi doonnaan.
Macalin Daa’uud oo ka mid ah masuuliyiin dhaqdhaqaaqa Al-shabaab ee gobolka Gedo ayaa shalay markii ay ciidanka Kenya iskaga carareen deegaanka Ceel-cadde mar uu la hadlaayay dadka deegaankaasi waxa uu yidhi; ”Hadday jeesteen miyaan ka hadhaynaa? Maya abadan, waanu daba soconaynaa insha Allaahu tacaalaa, wallaahay Nairobi baa la furan, Kampalaa la furan, New-york ayaa la furan, Washington ayaa la furan,..”