|

Al Shabaab oo sheegay in 127-Askari oo ka tirsanaa Nabad Sugida Qaranka Soomaaliyeed ay dileen 4-bil gudahood

Muqdisho April 20 2013 (SDN)— Warsaxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta ee Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in Al-Shabaab ay soo bandhigeen tirada ciidamada ka tirsan Sirdoonka Dowladda ee ay dileen.

Warka qoraalka ah ee Al-Shabaab kasoo baxay ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamo si gaar ah u tababaran oo ka tirsan Al-Shabaab ay dileen askar ka tirsan Nabadsugida kuwaasi oo tiradooda ay ku sheegeen 127 askari.Ciidamada Al-Shabaab ay sheegeen inay si gaar ah u tababaran yihiin ayaa waxaa la tilmaamay inay ka tirsan yihiin guuto loogu magacdaray “Guutada Maxamad Ibnu Maslamah” oo ka tirsan Shabaab.

Al-Shabaab ayaa qoraalka ay soo bandhigeen waxa ay sidoo kale ku sheegeen inay dileen ciidamo ka tirsan Nabadsugida oo tiro ahaan gaarayaa ilaa 127 muddo afar bilood gudahooda kuwaasi oo ay ku kala sheegeen madax iyo sidoo kale rag kale oo Nabadsugida ka tirsan.

Warsaxaafadeedka kasoo baxay Al-Shabaab ayaa waxa ay sidoo kale ku sheegeen in dilalka ay ugeestaan askarta ka tirsan ciidanka nabadsugida Soomaaliya sidaas awgeedna ay keentay in cabsi xoogan oo ciidankaasi soo foodsaartay ayna wax ka qaban waayeen ammaanka magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Inkastoo Shabaab ay sheegeen inay dileen 127 ka tirsan ciidanka Nabadsugida ayaan hadana laheyn tiro rasmi ah oo muujinaysa cadadka Shabaab ay dileen ee ka tirsan Nabadsugida.

Dhanka Dowladda iyo Saraakiisha Nabadsugida majirto war kasoo baxay oo ku aadan tirada Shabaab ay sheegayaan inay dileen oo ka tirsan Nabadsugida.

SDN

Comments are closed