Al-shabaab Oo Nolosha Ku Qafaashay Laba Katirsan Ciidamada Somalia Laba Kalena Qudha Ka Jaray
Garbahaarray:May,04,2015(SDN/QJ)-Mintidiinta Al-shabaab, ayaa Habeenkii xalay Weerar culus ku qaaday Bar kantarool oo ku taalla Degmada Beled Xaawo, waxana Halkaas ay ka qafaasheen laba kamid ahaa Ciidamadii ku sugnaa oo aan wax dhaawacyo ah qabin.
Shabaabka, ayaa weerar kedis ahaa ku qaaday Ciidamada Dowladda ee fadhiisimaha ku leh War-cadey. War-cadey waa waddada ka baxda Degmada Beled Xaawo ee tagta Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo.
Xilligii la weeraraayay Ciidanka, ayaa waxaa la tilmaamay in tiro uun ay ku sugneyd, iyagoona intoodu badan ku maqnaa gudaha Degmada Beled Xaawo.
Mintidiinta Al Shabaab, ayaa waxaa la soo sheegayaa inay dileen laba ka mid ah Ciidamada Dowladda, halka laba kalana ay nolosha ku qabteen. Waxayna muddo kooban la wareegen kontoroolka War-cadey.
Mintidiinta, ayaa dib u baneeyay kontoroolkaasi, waxaana kolkii dambe la wareegay Ciidamada Dowladda, oo markaasi iska soo abaabulay Xarunta Degmada Beled Xaawo.
Dhanka kale abaarihii 11-kii caweysnimo ee xalay, ayaa waxaa Saldhiga Booliska Degmada Beled Xaawo lagu weeraray laba qarax, oo loo adeegsaday bambooyinka nooca gacanta laga tuuro, Mana jirto cid wax ku noqotay.
Dagaalama-yaasha Al Shabaab, ayaa xilliyada qaarkood bambooyinka ku weerara Saldhiga, sidoo kale dilalka qorsheyan ayay Degmadaasi ka fuliyaan.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com