|

Al Shabaab oo magacii iska bedeshay,maxayse la baxeen?

Muqdisho dec 07,2011(qurbejoog.com)-Kooxda Al Shabaab e ka dagaalanta degaanada bartamaha iyo konfurta Soomaaliya ayaa maanta shaacisay in ay magacii iska bedeleen.

Goaankan oo ka sooo baxay shir ay dhawaan madaxda Shabaabku ku yeesheen bagaalada Baydhaba ayaanay dadka badankiisu filaneyn.

Ku-xigeenka madaxa Al Shabaab Muqtaar Roobowayaa saxaafada u sheegay in iminka wixii ka danbeeya Shabaabka loogu yeedhi doono Imaarah Islamiya.

Rooboow oo sababeeyay waxa ku kalifay arrintan ayaa sheegay in Shabaab micneheedu yahay dhalainyarada isla markaan Kooxda ay u badan yihiin dad aan dhalinyaro aheyn iminka.

Rooboow waxa kale oo uu sheegay in aaney jirin wax kale oo isbedelay oo ay sii wadi doonaan dagaalkii ay kula jireen dawlada KMG ah iyo ciidamada Shisheeye ee dalka ku jira.

Kooxda Al Shabaab oo ay isku urursadeen dhalin ka soo qeyb qaadatay dagaalo jihaad doon ahaa oo ka dhacay dalalka Islamka sanadihii sagaashamadii ayaa iminka awoodoodii ay sii wiiqmeysaa.

 

Qurbejoog-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed