|

Al-Shabaab Oo Loogu Baaqay Inay Ka Qayb-qaataan Tartanka Horyaallada Kubadda Cagta Soomaaliya

Muqdisho,13Jan,2016(QJ/SDN)-Cabdiqani Saciid Carab oo ah Gudoomiyaha Xidhiidhka Soomaaliyeed ee Kubadda cagta, ayaa Kooxda Alshabaab ugu baaqay inay qeyb ka noqdaan Cayaaraha ka dhaca magaalada Muqdisho.

Carabey waxa uu ururka kula taliyay inay kusoo biiraan Tartanka Horyaalka Kubadda cagta ee ka socda Garoonka Banaadir, waxa uuna sheegay in kusoo biiristooda ay waxbadan ka bedeleyso cayaaraha socda.

Carabey ayaa waxa uu sheegay in ka Maamul ahaan aysan dhibaato u arkin haddii ay Alshabaab ku soo biiraan Kooxaha Kubada cagta ee Horyaalka Somalia, waxa uuna guul ku tilmaamay in garoomada lagu dhex arko Alshabaab oo ka qeybqaadaneysa cayaaraha socda.

Wuxuu tallo taasi lamid ah u diray Kooxaha kale ee hubeysan, isaga oo ku booriyay inay qoriga dhigaan oo ay kasoo dhexmuuqdaan garoomada.

Alshabaab ayaan wali ka jawaabin hadalka kasoo yeedhay Gudoomiyaha Xidhiidhka Soomaaliyeed ee Kubadda cagta.

Comments are closed