|

Al-Shabaab oo lala xidhiidhiyey inay hadhaaga Wershadaha Nukliyeerka u adeegsadaan Qaraxyada

Nairobi 24.Sep 2015 (SDN/QJ):-   Khubaro dhinaca Ammaanka ku xeel-dheer, ayaa shaaca ka qaaday suuragalnimada in Kooxda Al-Shabaab Qaraxyada u adeegsato hadhaaga Hubka Nukliyeerka ee lagu aasay Xeebaha Soomaaliya, isla markaana ay u adeegsadeen weerarkii u dambeeyey ee habeen- sadexaadkii ka dhacay Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Weerarkaa oo kooxda argagxisada Al-Shabaab masuuliyaddeeda sheegteen, kuna dhinteen toban qof oo afar ka mid ah u dhasheen dalka Poland, ayey Khubaradu sheegeen in burburka uu keenay ka duwan tahay weeraradii hore kooxahai u geysan jireen.

 

“Uma muuqato in walxaha laga soo buuxiyey gaadhigaasi yihiin kuwo gudaha lagu farsameeyey.” ayuu yidhi Khabiir dhinaca Ammaanka ku takhasusay oo magaciisa qariyey, dhawaanna booqday magaalada Xaraar-dheere oo Al-Shabaab haystaan, waxaanu intaas ku daray; “Waxaan filayaa inay adeegsanayaan walxaha hadhaaga qashinka nukliyeerka, si waxyeelada qaraxyadu u balaadhato.”

 

Dhawaan, dadka deegaanka Xarar-dheere, ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ka uruuriyeen hadhaaga walxaha qarxa ee lagu aasay Xeebaha, oo Foostooyin iyo walxo kaloo aan la garanayn loogu arkay deegaannada, balse, Xukuumadda Soomaaliya ayaan jawaab ka bixin xaqiijinta wararka mar wax laga weydiiyey.

 

Siyaasi jooga magaalada Cadaado ee badhtamaha Soomaaliya ayaa, xaqiijiyey in kooxaha argaggixisada Al-Shabaab muddooyinkii u dambeeyey ka uruuriyeen deegaannada ay Xukumaan hadhaaga walxaha Nukliyeerka sida Xarar-dheere, iyo Ceel-dheere ee gobolka Mudug.

 

Baaxadda Qaraxa iyo dhawaaqa weerarkaas habeen-hore gaadhiga lagu fuliyey ee Madaxtooyada ka dhacay, ayaa la sheegay in Khubaradan ay uga soo baxday in walxihii qaraxa loo adeegsaday qeyb ka yihiin hadhaaga Nulkiyeerka, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin eedahan.

 

Shirkadaha Ajaanibka, ayaa ku aasayey hadhaaga Wershadaha Nukliyeerka Xeebaha Soomaaliya, illa awakhtigii Xukuumadii rajiimkii Siyaad Barre xukunka laga tuursay sannadkii 1991, meeshana uga baxday awood ilaalisa xuduudaha badaha ee dalkaa.

 

Comments are closed