Al-shabaab Oo La Ogaaday Inay dhaqaale Ka Helaan Sonkor Sharci-darro Somalia looga Dhoofiyo
Nairobi :July,10,2014(SDN/QJ)-Wargeyska The Standard ee dalka Kenya ka soo baxa, ayaa daabacay inay Kooxda Al-shabaab Dhaqaale Laxaad leh ka hesho Sonkorta Sida shari-darrada ah looga dhoofiyo dalka somalia.
Wargeysku waxa u sheegay in sonkorta Somalia sida sharci-darrada ah looga dhoofiyo la geeyo waddamada Jaarka, gaar ahaan Kenya.
Dhaqdhaqaaqa Xarakada AL-Shabaab waxaa uu dhaqaalo uu ku filiyo howlgaladiisa dalalka Soomaaliya iyo Kenyaba ka helaa Sonkorta xamuulka ah ee aadka u tiro badan, ee Soomaaliya laga dhoofiyo, waxayna arintaasi door muhiim ah uga ciyaartay Xarakada AL-Shabaab in weeraradooda ay ka fuliyaan meelo ka baxsan dalka Soomaaliya oo ay ka dagaalamaan.
Warbixinta wargayska Standard ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in Sarakiisha kenyaanka ah ee ka soo horjeesta in ay qataan laaluush ku aadan fududaynta Sonkorta Kenya loo suuq geeyo la dilo oo ay noloshoodu halis gasho.
Warbixinta Kenya ay soo saartay ee ah in AL-Shabaabka Somaaliya ay dhaqaalo badan ka heleen dhoofinta iyo suuq gaysta Sonkorta Soomaaliya ayaa ku soo adaysa xili warbixin ay hore u saartay Qaramada Midoobay Barnaamijkeedfa deegaanka u qaabilsan lagu sheegay in Xarakada AL-Shabaab ee Soomaaliya ay dhaqaalo badan ka helaan ugaadhsiga duurjoogta dalka Kenya.
SDN/QJ
Contact@somalidiaporanews.com