|

Al Shabaab oo ka hadlay afganbiga madaxweynihii Masar”Isbedel Islaami ah kuma imanayo Doorasho ee waxa uu ku iman karaa uun Dagaal”

Muqdisho July 06,2013(SDN)-Kooxda Al Shabaab ayaa Barta Internetka ee Twitter ku faafisay fariin ay uga warameyso afganbigii lagu sameeyay madaxweynaha Masar ee nidaamka dimuqraadiyadeed talada dalkaas kula wareegay sanad ka hor.

Shabaabka ayaa sheegay in afganbigaasi markhaati ka yahay in nidaam dimuqraadiyadeed aheyn mid talada ay kula wareegi karaan axsaabta Islamiga ahi.

“Waxa la gaaray xiligii dunida xaqiiqada ka jirta aanu yaqiinsan laheyn,isbedelku waxa uu ku iman karaa uun Xabada ee kuma imanayo codeyn”ayaa lagu yiri qoraalka Shabaabka ee Twitter.

Shababaku waxa ay ka warameen sida Ikhwaanka Masar ay indhaha isaga tireen sidii loola macaamilay Islaamiyiinta caalamka.

“Ikhwaanku malaha waa in ay cashar taariikheed ka dhigtaan sidii loola macaamilay Islamiyiintii Dimuqraadiyadu keentay ee Aljeria iyo Xamaz”ayaa lagu xusay qoraalka Twitter ee Shabaabka.

“Goorma ayey Ikhwaanku ka toosayaan hurdada oo ay garan doonaan in haykal isbedel aanu suurto gal aheyn,sanad kacaa kuf ah ka dib faraskii Ikhwaanka gegidii tartanka gebi ahaan waa laga eryay,dibna il u saaro maayo iftiinka dharaareed”ayay Shabaabku ku soo gunaanadeen qoraalkooda Twitter la dhigay.

Ma aha markii u horeysay ee Shabaabku  Bartooda Twitter ee @HSMPRESS1 u isticmaalaan in ay  ku gudbiyaan fariimo siyasadeed.

SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed