Al-shabaab Oo Ka Faa’iidaysatay Jidh-dil Ciidanka Kenya u Geysteen Dhallinyaro Soomaaliyeed
Nairobi:June,04,2015(SDN/QJ)-Xoogagga Al-shabaab, ayaa u muuqda qaar ka faa’iidaystay Dhibaatada iyo jidh-dilka joogtada ah ee Ciidamada Kenya ku hayaan Dhallinyarada Soomaaliyeed, waxana soo badanaya dhallinyarada arrintaas ka dhiidhiyaya eek u biiraysa Kooxda Al-shabaab.
Xogaha la helayo ayaa sheegaysa in dhalinyaro badan oo ku sugan deegaanada Alshabaab ka maamulaan gobolka Gedo ay isku diiwaan gilinayaan sidii ay ula dagaalami lahaayeen ciidamada Kenya ee kusugan dhanka xadka, maadaama loo arko inay dhibaataynayaan Dhallinyarada soomaaliyeed oo aan markii hore jeclayn fikirrada Al-shabaab.
Wararku waxay sheegayaan in dhalinyaro badan ay si iskood ah isku urursanayaan kuwaasi oo xoolo dhaqato u badan, kuna sugan inta u dhaxeysa magaalooyinka Beledxaawo iyo Garbahaareey.
Mid kamid ah dhalinyarada gobolka Gedo oo magaciisa ku sheega y Abshir Mukhtaar ayaa sheegay inaanay huri doonin iney ku biraan Alshabaab si ay ula dagaalamaan ciidamada Kenya ee doonaya iney kusoo xadgudbaan dhanka xuduuda.
Dowlada Soomaaliya ayaa si adag kaga hadashay maalintii shalay darbiga dowlada Kenya ka dhiseyso dhanka xuduuda Soomaaliya, taasi oo dowlada ay shegtay in marnaba amniga uu wax ka tarayo.
SDN/QJ