Al-shabaab Oo Hanjabaad Culus U Dirtay Ciidanka Taraafikadda, Sababtana Bayaamisay
Barawe:July,06,2014(SDN/QJ)-Kooxda Dagaalka kula jirta Dawladda Federalka somalia ee Al-shabaab ayaa Hanjabaadii ugu sarraysay Haatan u dirtay Ciidamada Ilaalada Nabadgelyada Waddooyinka oo ay Maalmihii ugu Dambeeyey Badhtilmaameesanayeen.
Afhayeenka Guud ee Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa sheegay inay ciidamada nabadgelyada wadooyinka ee loo yaqaano Taraafikada ay hada iyo wixii ka dambeeya badhtilmaameed u yihiin oo aanay dhaafi doonin.
Cali Dheere oo ka hadlayay dilalkii u dambeeyay ee loo geystay askarta Taraafikada ayaa waxaa uu sheegay inay qeyb ka yihiin kuwa ay dagaalka kula jiraan, isla markaana gaadiidka dhibaato ku hayaan.
“Kuwa loo yaqaano Taraafikada ee jidadka taagan, wax badan waa la idinka wareegay, wixii hada ka dambeeya waxaa tihiin hadafka koowaad, gaalada la leynayo waxba kama duwanidiin”ayuu yidhi Sheekh Cali Dheere.
Sidoo kale waxaa uu ka hadlay weerarkii is qarxinta ahaa ee shalay ka dhacay banaanka hore ee Xarunta Baarlamaanka, waxaa uu xusay in weerarkaas ay ku dileen ilaa 32 askari oo laba ka mid ah ay ahaayeen askar Uganda ah, halka sodonka kale ahaayeen askar ka tirsan dowladda.
Waxaa uu sheegay in weerarkii shalay uu ku dhacay sidii loogu tala galay, isla markaana ay beegsadeen goob ay dhoobnaayeen ciidamada ee ay ka ilaalinayeen xarunta Baarlamaanka sida uu sheegay.
Al-Shabaab ayaa tan iyo markii la galay bisha Ramadaan waxay kordhiyeen weeraro isugu jiray qaraxyada iyo dilalka, iyadoo todobaadkan bishan Ramadaan lagu dilay Muqdisho ilaa sodomeeyo ruux oo askar ay u badnaayeen.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com