Al-shabaab Oo Gaadhi Qaad Saarnaa Kasoo Afduubay Gudaha Kenya, ulana Tallaabay Dhinaca Somalia
Baardheere:June,15,2015(SDN/QJ)-Xoogagga Al-shabaab, ayaa galabnimadii shalay Gaadhi Qaad siday kasoo afduubay Deegaano ku yaalla Gobolka W/Bari ee Dalka Kenya, kadib markii ay waddada u galeen.
Baabuurkan oo la sheegay inuu ahaa Nooca Loo yaqaan Toyota 4.5, ama Cabdi Bilaha, ayaa markii la qabsaday marayey deegaanka Lafey oo 30km u jirta Degmada Mandheera, ayaa waxaa xoog ku joojiyay Xoogaga Shabaab, markii rasaas digniin ihi ay kor u rideen.
Dadkii gaadhiga saarnaa, ayaa lagu amray inay ka soo deggaan, waxayna halkaasi kala soo dhaqaaqen gaadhiga, iyagoo aan waxyeelo u gaysan dadkaasi, iyadoo gaadhigaasna la sheegay inuu kasoo dhaqaaqay Mandhera, kuna sii jeeday Mooyaale Kenya.
Shabaabka oo gaadhiga kala soo tallaabaday xadka, ayaa waxaa xalay la soo sheegayaa in lagu arkay deegaanka garfaal, oo qiyaastii 15km u jirta Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.
Wararka waxay intaa ku darayaan Shabaabku inay u muuqdaan kuwo gaadhigaasi u wada dhinaca Degmada Baardheere, oo saldhig weyn ay ku lee yihiin. Baardheere waa Degmada keliya ee Gobolka Gedo ka jooggaan.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com