Al Shabaab oo duqeymihii Jabbada hoose ku eedeeyay Kenya
Kismaayo Dec 21,2011(qurbejoog.com) Ururka Al Shabaab ayaa ku eedeeyay Kenya duqeyntii diyaarado aan la garanayn halka laga leeyahay ay ka gaysteen deegaan lagu magacaabo Hosingow oo hoostaga gobolka Jubbada, iyagoo sheegay in diyaaradahaasi ay duqeyeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan.
Guddoomiyaha Al Shabaab ee gobolada Jubbooyinka Sheekh Abuukar Cali Aadan ayaa sheegay in diyaaradahaasi laga lahaa dalka Kenya islamarkaana ay duqeyeen goob ay ku sugnaayeen dad rayid ah, isagoo sheegay in Kenya ay ka shalayn doonto duqeymahaasi.
Sheekh Abuukar ayaa waxaa uu sheegay in diyaaradaha laga leeyahay dalka Kenya mar waliba ay duqeymo xoogan la dhacaan goob ay ku sugan yihiin dad rayid ah, wuxuuna tilmaamay in marna aysan indha ka qabsan doonin ficilo xun xun oo uu sheegay inay samayenayaan dowladda Kenya.
Isagoo hadalkiisa wata ayaa waxaa uu sheegay in dadkii shalay wax ku noqday duqeymahaasi ay u fidiyeen gurmed, waxaana uu tilmaamay in dagaalyahanada AL Shabaab ay iminka sii laba jibaari doonaan dagaalada ka dhanka ah dowladda Kenya sida uu hadalka u dhigay.
Diyaarado dagaal oo ilaa iyo iminka aan la garaneyn halka laga leeyahay ayaa duqeymo shalay galinkii dambe ay ka gaysteen deegaan lagu magacaabo Hosingow waxaa ku dhintay 12-ruux halka ku dhawaad 40-kalana ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo la sheegay inay ahaayeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan.
Qurbejoog-Muqdisho