Al Shabaab oo bilaabay in raashin ay ku badashaan Caruurta si ay u dagaalamaan
Afgooye Dec 26,2011(qurbejoog.com)- Ururka Al Shabaab ayaa la sheegay inay bilaabeen inay dagaal galiyaan Caruurta yar yar ee ku sugan gobolada ay ka taliyaan ee Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Qaar ka mid ah Waalidiinta dhalay Caruurtaasi ayaa waxa ay sheegeen in maalin waliba guryaha ay ugu soo galaan Ciidamo ka tirsan Al Shabaab oo ku wargalinaya inay kusoo biiriyaan Caruurtooda dagaalada looga soo horjeedo Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee Magaalada Muqdisho.
Al Shabaab ayaa waxa la sheegay in qoys waliba wiilka ay dhaleen inay ugu badalanayaan Hal loor oo raashin ah taasi oo ay ama kaag ku noqotay Waalidiintii dhalay Caruurtaasi, iyagoo tilmaamay in arintaani ay ku noqotay murugo lasoo gudboonaatay oo uur ku taalo ah.
Caruurta la dagaal galinayo ayaa la sheegay in loo dhiibayo quryaha fudud islamarkaana kaliya la barayo sida ay rasaasta u ridaan, iyagoo la gaynayo jeedda hore ee dagaalka, waxaana Waalidiinta ay sheegeen in arintaani aysan ka hadli karin.
“ Walaahi waa arin murugo leh, waayo maalin waliba ayaa noola imaadaa, qaab ayaan caruurteena aan kaga kaxayno goobaha ay ku nool yihiin Al Shabaab mana qaano, waayo Carurta waxaa laleeyahay waxaan idin kugu badaleynaa loorar Raashin ah, waa waxan waligeen maqlin oo aan arinkin” sidaasi waxaa tiri mid ka mid ah Haweenka ku dhaqan gobolka Sh.hoose.
Saraakiil ka tirsan Al Shabaab ayaa waxa ay sheegeen in arintaani ay tahay mid aad u wanaagsan islamarkaana looga hortagayo Ciidamo ay sheegeen inay kusoo duuleen dalka Soomaaliya
Kooxda Al Shabaab ayaa dagaal galiya boqolaal caruur ah oo aan waxba ka ogayn qaabka loo galo dagaalada, iyadoo Hay’ado badan ay ku eedeeyeen Shabaabku inay ku tun teen xuquuqda bini’aanka.
Qurbejoog-Afgooye