Al Shabaab Oo beeniyay In Dhalinyaro Dibada ka timid ay Fuliyeen qaraxyadii Maxkamada Gobolka Banaadir
Muqdisho April 19 2013 (SDN)– Afhayeenka guud ee Ururka Al-Shabaab sheikh Cali Max’ud Raage (Cali Dheere) oo la hadlayey Idaacada ku hadasha afka Ururka Al-Shabaab ayaa beeniyey in dagaalyahanadii ka tirsanaa Al-Shabaab ee dhawaan weerarka ku qaaday xarunta maxkamada gobolka Banaadir ay ku jireen dhalinyaro Soomaali ah oo dhalashooyin kale haystay.
Sheikh Cali Dheere ayaa sheegay in dhalinyaradii fulisay weerarkii ka dhacay xarunta maxkamada gobolka Banaadir ay dhamaantood ahaayeen kuwa ku dhashay in muda ahna ku sugnaa magaalada Muqdisho.
Afhayeenka guud ee Ururka Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegay in arinta dagaalyahanadooda ay ugu suura gashay in ay weerar ku qaadaan xarunta maxkamada gobolka ay aheyd in weerarkaasi dadkii fuluiyey ay dhamaantood ahaayeen Soomaali in mudo ah dalka ku sugnaa, isagoona sheegay in qofna wadankiisa uusan shisheeye ka ilaalin Karin, waa siduu hadalka u dhigaye.
Hadalka afhayeenka guud ee Ururka Al-Shabaab ayaa imaanaya xili war dhawaan soo baxay uu sheegayey in dadkii fuliyey weerarkii lagu qaaday xarunta maxkamada gobolka Banaadir uu qeyb ka haa wiil Soomaali Canadian ah oo dalka dhawaan kusoo laabtay.
SDN-Muqdisho