|

Al Shabaab oo beegsatay kolnyo gelbineysay Madaxweyne Xasan

Muqdisho (QJ) – Sideed qof oo rayid ah oo u badnaa shacab caadi ah ayaa ku dhintay qarax maanta ka dhacay agagaarka kolonyo uu la socday madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka dhacay isgoyska Ceel-Gaab ee degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho.

Weerarka ayaa saameeyay mid ka mid ah gaadiidkii la socday kolonyada madaxweynaha, kaasoo ku sii jeeday garoonka diyaaradaha Muqdisho. Madaxweynaha ayaa u safrayay ka qeybgalka furitaanka dhaq-dhaqaaq ciidan oo ka socda gobolka Shabeellaha Dhexe.

Inta badan dadka rayidka ah ee ku dhaawacmay qaraxa ayaa ku sugnaa meel ku dhow dhismo ku dhow dhow laamiga, kaasoo markii uu qaraxa dhacay soo dumay, sida ka muuqata sawirro lagu faafiyay baraha bulshada.

Qaraxa kadib ayaa Lataliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macallim waxa uu xaqiijiyay in Madaxweynaha uu bad qabo, islamarkaana safarkiisa uu sii socon doono sidii loogu talagalay.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda waa uu bad qabaa, waxaana uu sii wadaa safarkiisa si uu ugu kuurgalo howlgallada guul-darrada ah ee ay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ka wadaan gobollada dalka, isagoo taageero buuxda ka helaya dadka deegaanka, ujeeddada xun iyo beenta ay cadawga umaddan faafinayaan ma noqon doonto mid cabsi gelin karta” ayuu yiri la taliye Xuseen Macallim.

Qaraxa oo ahaa mid xooggan ayaa laga maqlay inta badan magaalada Muqdisho. Laamaha ammaanka ayaan weli faah faahin ka bixin weerarka, inkastoo muddo kooban ay xabsiga dhigeen wariyaal wax ka qorayay goobta uu qaraxu ka dhacay.

Leave a Reply