|

Al Shabaab lagu laayay Jubada Hoose

Kismaayo July 23, 2024 (QJ) -In ka badan 200 oo xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab oo ay ku jiraan kuwa dhawaan lagu dhaawacay duqeyn cirka ah ayaa lagu dilay howlgallada ay ciidamada huwanta ah ee Soomaaliya ka taageeraya la dagaalanka Al-Shabaab ay ka fuliyeen gobolka Jubbada Hoose.

Duqeynta ayaa lala beegsaday deegaan lagu magacaabo Dalaayad oo qiyaastii 18 KM u jira degmada Badhaadhe. Xubno badan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa la duqeeyay xilli ay doonayeen in ay caawiyaan saaxiibadooda weerarka ku qaaday deegaanka Buulo-Xaaji ee gobolka Jubbada Hoose.

Laamaha ammaanka ee Jubbaland ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in duqeyntaasi diyaaradeed ay khasaaro badan gaarsiiyeen Al-Shabaab.

Tan iyo markii ay bilowdeen howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Jubbada Hoose, ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa dib ula wareegay deegaano badan oo ay horay ugu sugnaayeen Al-Shabaab.

Comments are closed