|

Al Shabaab lagu laayay hawlgal ka dhacay Ceeldheer

Muqdisho June 26, 2024(QJ)-Ciidanka Xoogga dalka ayaa faah faahin ka bixiyay howlgal qorsheysan oo ay ka sameeyeen deegaanka Cali Cadhle oo qiyaastii 33-KM dhanka waqooyi kaga beegan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Sareeye Gaas Maxamed Dhega Weyne Taliyaha Ururka 24-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka oo warbaahinta hadal kooban siiyay ayaa sheegay in howlgalkaasi ay ku dileen ilaa 7 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab.

General Dhega weyne ayaa sidoo kale xusay in howlgalkaasi lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo falal qal qal gelin ah ka waday deegaanka Cali Cadhle oo qiyaastii 33 KM dhanka waqooyi kaga beegan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Sarreeye Gaas Maxamed Dhega weyne ayaa ku nuux nuuxsaday in ciidamadooda oo kaashanaya kuwa AMISOM ee ku sugan gobolka ay ku guuleysteen howlgalkii qorsheysan ee looga hortagayay argagixisada.

Comments are closed