|

Al Shabaab: Jabuuti ha isaga laabto Muqdisho hadii kale dhibaato ayay la kulmi doonaan

Muqdisho Dec 21, 2011(qurbejoog.com)-Kooxda Al Shabaab ayaa sheegtay in cawaaqib xumo tii u xumeyd ay la kulmi donaaan Cidamada Milatariga dowladda Jabuuti ee shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.

Waaliga AL Shabaab ee gobolka Banaadir Sheekh Max’ed C/raxmaan  oo  la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu u sheegay in dowladda Jabuuti mar hore ay u digeen islamarkaana hadaladaasi ay iska dhaga tireen, waxaana uu sheegay in Ciidamada Jabuuti ay kusoo biireen baabi’inta shacabka Soomaaliyeed sidaasi darteedna dagaalyahanada Al Shabaab looga baahan yahay inay dhabarka jabiyaan Ciidamada Jabuuti.

Guddoomiyaha Al Shabaab ee gobolka Banaadir ayaa waxaa uu ugu baaqay in Ciidamada Jabuuti ay waqti haystaan islamarkaana loo baahanyahay inay dib ugu laabtaan Soomaaliya hadii kale ay dagaalo xoogan kala kulmi doonaan Al Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

 

Isagoo hadalkiisa wata ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamada Milatariga dowladda Jabuuti ay ka mid noqonaayaan kuwa iminka ay dagaalada xoogan kula jiraan Ciidamada Midowga Afrika AMISOM, wuxuna carabka ku dhuftay in Jabuuti ay iska dhaga tirtay baaqyo ay horey ugu jeediyeen.

Al Shabaab ayaa horey  ugu digay in Ciidamada Jabuuti ay yimaadaan Soomaaliya, iyagoo iminka shaaca ka qaaday inay la mid yihiin kuwa Uganda iyo Burundi oo ay iminka dagaalada kula jiraan.

 

Qurbejoog-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed