|

” Al-shabaab 2016 Goobaha ay Maamulaan waa laga saarayaa” Wasiirka A.Gudaha Somalia

Muqdisho 18.Dec 2015 (SDN/QJ):- Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukumadda Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo ka hadlayay Shirkii Madasha wada-tashiga Qaran Ee lagu soo xiray Muqdsho ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wado Qorshe Dalka looga saarayo Xarakadda Al-shabaab oo Gacanta loogu dhigayo Goobaha ay hadda Maamulaan Al-shabaab.

 

Wasiirka-Arrimaha-Gudaa-OdawaaC/raxmaan Maxamed  Xuseen ayaa Xusay in ka hor inta uusan dhaman Sanadka 2016 oo Maalmo kooban ay naga xigto bilaabashadiisa ay Xarakada Al-shabaab ay ka sifeynayaan Goobaha ay Gacanta ku hayaan Hadda.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa ilaa Sanadkii 2014  ku Celcelineysay in Al-shabaab ay ka saareeyso Goobaha ay ka joogaan  Soomaaliya.

 

Al-shabaab ayaa Soomaaliya ka jooga qeybo badan oo uu ka mid yahay Gobolka Jubbadda Dhexe oo Dhamaantiis ay gacanta ku hayaan.

Comments are closed