Al qaacidada Yemen oo Hogaamiyaha Jabhada Xuutiyiinta Madaxiisa Dahab dul dhigay
Hargaysa 10.April 2015 (SDN/QJ)- Xoogagga Al-qaacidada Yemen, ayaa Madaxa Hoggaamiyaha Xuutiyiinta ku dhawaaqay inay Dahab ugu miisaami doonaan cidkasta oo u keenta.
Dowlada Sucuudiga iyo xulafadeeda ayaa dagaal adag kula jira kooxda Xuthiyiinta, go’aanka kasoo baxay Al Qacida Yemen ayaa lagu soo beegay xili kooxda Al Qacida ay dhankeedana wado dagaal ka dhan ah shiicada Yemen.
Kooxda Al Qacida oo ka faa’iidaysaneysa fowdada ka dhalatay dalka Yemen, ayaa maalmihii lasoo dhaafay la wareegtay xarumaha dowlada ee Mukalah isla markaana siideysay maxaabiis badan oo ay ku jiraan hogaamiyayaasha Al Qacida.
Al Qacida ayaa hore uga gaabsatay dagaalka dhexmarayey Xuuthiyiinta iyo dowlada Yemen, waxayna wakhtigaasi ku mashquulsanaayeen abaabulka maleeshiyadooda koonfurta Yemen ku sugan.
Go’aankan Al Qacida ayaa imanaya xili Xuuthiyiinta xarumahoodii keydka hubka ay duqeeyeen diyaaradaha Sucuudiga iyo Xulafadiisa.