Al Qaacidada Soomaaliya oo ardeyda Soomaalida ee Bakistaan wax ka barata qoraneysa
Dubai Aug 24,2012(SDN)-Warbixin ay daabacday barta Internetka ee thefirdaytimes.com ayaa lagu xusay in Al Qaacidada Soomaliya ay haatan qorato ardeyda Soomaalida ee waxbarashada u tagta dalka Bakistaan si loogu adeegsado weeraro ka dhan ah reer Galbeedka.
Warbixinta oo soo xigatay ilo wareedyo dhanka amaanka ah ayaa sheegtay in ilaa sanadii 2011kii in Al Qaacida ay weeraro kala duwan u adeegsatay in ka badan 97 goor.
Security Foundation Inc oo warbixinta lagu xusay ayaa sheegtay in taasi tahay koror ka badan 300 oo jeer,isla markaana ay tahay uun tani qiyaas.
Laba ka mida ardeyda Soomaalida ee Bakistaan wax ku barata ayaa dhawaan lagu qabtay magaalada Karachi ee dalkaasi ka dib kolkii kooxada Tehreek-e-Taliban Pakistan ay damacday in ay u adeegsadaan weeraro lagu qaado Yurub.
Labadan ruux ayay ahyd in tababaro ay ku qaataan degaanka Balochistan si kedibna ay weeraro uga fuliyaan magaalada Hague,sida ilo wareedyo ay sheegeen.
Carl Adams oo ka mida xeeldheereyaasha warbixintu ay soo xigatay ayaa sheegay in sababta ay Al Qaacida ardeyda Soomaalida ee Bakistaan wax ka barata u u isticmaaleyso ay tahay iyaga oo ah mutacalimiin ay waalidkood gacan qabtaan oo dunidana isaga gooshi kara si fudud.
Waxa haatan waxbarasho u jooga dalka Bakistaan 5,000 ilaa 8,000 oo arday oo soomaali ah,sida ay ilo wareedyo sirdoon ahi sheegeen,waxaaney intooda badani bartaam maadooyin la xiriira caafimaad.
Sirdoonka Bakistaan ayaa dhankooda sheegay in ay la socodkooda ardeydan kordhiyeen intii ka danbeysay dhacdooyinkan.
Warbixintan ayaa adhaxda ka jebineysa fursadaha wax barasho ee dalal koobani siiyaan ardeyda Soomaalida isla markaana khatar gelin karta ardeyda Soomaaliyeed ee sida xalaashasha ah wax ugu barata dalkaasi Bakistaan.
SDN-Karachi
contact@somalidiasporanews.com