Aktarka Caanka ah ee Dalka Hindiya Ee Salman Khan Oo Dil Toogasho Ah Loogu Hanjabay Xilli Booliska India Ay Tallaabo Qaadeen
Delhi 01. February 2017 (SDN/QJ):- Qareenka gaarka ah ee atooraha Salman Khan ayaa daaha ka qaaday in dil loogu hanjabay atooraha caanka ah ee shirkadda aflaanta dalka India Bollywood Industry.
Salman Khan oo dunida aad looga yaqaano ahna xiddiga Filimada Hindiga ayaa waxaa khadka talefoonka kasoo wacay nin magaciisa qariyey balse u sheegay inuu yahay budhcad caalami ah (International Gangster), wuxuuna xiddigan u sheegay inuu dili doono ka dib markii ay dowladda India wax dembi ah ku waysay 51 sanno jirkan.
Qareenka Salman Khan oo lagu magacaabo H M Saraswat ayaa daaha ka qaaday in laba maalmood ka hor uu budhcadkani soo wacay Salman Khan wuxuuna ugu hanjabay inuu dili doono si gaar ahna uu madaxa uga toogan doono wakhti kasta oo ay ku qaadato.
Kiiska uu ku heysto ninkani Salman Khan ayaa la sheegay in uu yahay kadib markii ay dowladda India Salman Khan ku weyday dambigii loo haystay ee la xidhiidhay inuu isticmaalay hub aan sharci aheyn isla markaana uu ugaadhsaday xayawaan aanay sharci aheyn in la dilo dalka India.
Garyaqaan Saraswat wuxuu daaha ka qaaday inuu ninkan budhcadka ahi ugu hanjabay Sallu inuu heli doono natiijada ku aadan dembigii uu ku galay magaalada Jodhpur, iyadoo aanay jirin cid badbaadin kartaa ninkaasina u hiilin doono ugaadhii uu dilay.
Sidoo kale Saraswat wuxuu tilmaamay inay booliska ku wargeliyeen arrinkan, iyagoo u sheegay inay hanjabaad kala kulmeen shaqsigan aan magaciisa shaacin. Sidoo kale ciidan hubeysan ayaa loo xilsaaray ammaanka Salman Khan kaasi oo si gaar ah xiddigan u sugu doona amnigiisa iyada oo ay is asoo tarayso hanjabaadaha caadiga ka noqday dalkaasi ee inta badan loo gaysto atoorayaasha caanka ah ee dalkaasi Hindiya.
Ashok Rathore oo ka tirsan ciidanka booliska ayaa u sheegay saxaafadda: “Waxaan siinay ciidan hubeysan oo boolis ah kuwaasoo ammaankiisa u xilsaaran. Waxaanan haatan bilownay baadhitaan ku aaddan arrinkiisan”.
Salman Khan ayaa filim uu jilayaa maalmihii ugu dambeeyey waddanka Hindiya ka soo saaray lacagtii ugu badnayd abid ee uu sameeyo filim Hindi ahi walina la filayaa in uu kaalintaasi sii haysto maalmaha soo socda.