Aksri ka tirsanaa Ciimada dowladda oo lagu dilay Xaafado ka tirsan Muqdisho
Muqdisho May 11 2013 (SDN)— Kooxo hubeysan ayaa saakay waxa ay Askri ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya ku toogteen Xaafada Suuqa-xoolaha ee Magaalada Muqdisho.
Dad goobjoogayaal ah ayaa noo xaqiijiyay in Askriga ladilay uu wax ka iibsanayay Dukaan kuyaalla xaafadaasi islamarkaana kooxo bastoolado ku hubeysan ay Rasaas la dhaceen kaddibna ay goobta ka baxsadeen.
Dilka Askri oo katirsanaa Ciidamada Milatariga aya goobta waxaa soo gaaray Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya kuwaasi oo howgallo sameeyay, waxaana la sheegay in intii ay howlgalada ku jireen bombooyin lagu soo tuuray islamarkaana ay raasaas qasaaro geystay fureen.
Rasaasta Ciidamadu fureen ayaa waxaa ku geeriyooday sida la xaqiijiyay 2-ruux tiro kale oo aan la shaacina waa ay ku dhawacmeen.
Taliyaha Ciidamada Xaafada Suuqa-xoolaha oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in ay soo qabqabteen dad lala xiriirinayo Al Shabaab oo ku lug lahaa dilka Askirga ka tirsanaa Ciidmaada dowladda Soomaaliya.
Xaafada Suuqa-xoolaha ayaa kamid ah meelaha ugu dhibaatada badan gobolkan Banaadir waxaana lagu dilaa Askarta ciidamad dowladda iyo waliba dad Rayid ah.
SDN-Muqdisho