|

Akhriso Taxanayaasha Dhacdooyinka Taariikh Xumada Reebay Ee Dalka Ka Dhacay Intii Xukuumadda Madaxweyne Xilka Haysay

Hargeysa:May,04,2015(SDN/QJ)-Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo  oo cimrigeedii dharciga ahaa gebogebo ku dhaw yahay, ayaa markale muujinaysa jacaylka iyo hamuunta ay u qabto inay kursiga sii xejisato, waxase shacabka maankooda ka guuxaya Mawjado dhacdooyin lama ilaawaan ah oo qadaf ahaa dhammaantood.

sikDhegaha dadku waxa ay deris dhaw la noqdeen baaqyo isdaba joog ah oo xukuumaddu ku doonayso in kursiga ay sii joogto amaba ay markale soo noqoto, waxase dadka kusoo mirkacaya waxyaabo dhabar ku ahaa milgaha qaranka iyo midka shacabkaba oo xukuumadda taariikhda u galay, isla-markaana aan marnaba la ilaawaynin.

Taxahanaha taariikhdaas Naanays-xumada ah ee xukuumaddani ku suntan tahay oo tiro badan, ayaanu Halkan idiinku soo koobaynaa waxoogaa kamid ah, waana sidane ka Bogasho wacan:

 

1- Waxay xilkii si kedis ah uga xayuubisay dhawaan 28/4/15 Gudoomiyihii Maxkamada sare iyada aan kala tashan una gudbin labada gole si ay fushato damaceeda iyo danteeda gaarka ah ee mudo kordhinta ku saleysan.

2- Waxaa markabkii hubka siday ee lagu qabtay dekeda Berbera 24/1/15 ay u maareysay sife karaamo la’aan ah, karti la’aan ah oo fadeexad dawladeed noqotay kadib markii ay isla jaanqaadi weydey ee ay kala hadashay ee hubkii ka dejisay Markabkii ka dibna dib u saartay.

3- Inqilaabkii dhicisoobey ee milateriga ahaa ee ay xukuumadu ku qaadey Golaha Baarlamaanka bishii 15/11/2014.Kaas oo sababay kacdoon dadweyne iyo dhimasho iyo dhaawac ay rasaas nool la dhaceen shacabkii ciidanka RRU-du.

4- Weerarkii maleeshiyo beeleedka hubeysani ay ku qaadeen 3/11/14 Maxrajka sadexaad ee Berbera kaas u dhacey sife loogu magacdarey gardaro garab og, ka dib markii ay hubkoodii guryahooda kula noqdeen iyada oo aan cidii ka danbeysey ee hageysey weerarkaa ay xukuumadu indhaha ka la lisey oo aan sharciga la hor keenin shaqsi qudha.

5- Boobka iyo Bililiqeysiga Guryihii dawlada , dhulkii iyo hantidii maguuraanka aheyd ee qaranka sida Guryaha Wasiirada ugu tunka weyn loo xalaaleyey iyo kuwa loo sadqeeyey shirkadaha gacan wadaaga yaqaan ee ilma jini boqor sida Gaandi Libaray,Wersheda laydhka ee Hargeisa, Netfish Berbera, Sariibada Octobar iyo Xanaanada dhalaanka ee Hargeisa.

6-Sameynta Ciidanka ilaalada shidaalka ( OPU ) oo ah ciidan xaaraan ah oo dhinac ka raran oo aanu baarlamaanku ansixin , ku waas oo loo sameystey shacabkii wadanka lahaa ee xaqa ku taagnaa ee yidhi sharciga soo waafajiya ciidanka iyo shirkadaha shidaalkaba,intaan la baadhin kuwaas oo aan baarlamaanka laga ansixin oo ay ka qayliyeen ilaa iyo UN monitoring group.

7- Odayaashii reer Awdal ee cabashooyinka soo bandhigay kadibna kuwii ay ka cabanayeen si badheedh ah oo gunnimo ah gudi ahaan loogu saaray ee lagu bahdilay Salaadiintaas ,taas ay xukuumadu ucadeysey in aan loo sineyn yuhuunta iyo talada dawladnimada Somaliland.waxay arintani keentay in Suldan Wabar uu Buurta galo oo ka quusto dawladnimada Somaliland.

8- Odayaashii Ciise ee iyana iyaga oo kabna lulaya kabna laa-laadinaya ka huleelay S/land kadib maray quus istaageen.

9- Saraakiishii sida qorsheysan ee shirqoolka ah loogu laayey qoru lugud iyo Saax-dheer ee sida tukaha loo aasey.

10–Dilkii-foosha xumaa ee Seemaal, ee loo xidh-xidhey dadka fara badan ee uu ka midka ahaa waqtigaa la taliyihii hore ee siyaasada ee madaxweynaha iyo iyana fadeexadii iyo ceebitii ka dhacey Ceel-bardaale iyo sidii foosha xumeyd ee xukuumadu u maareysay.

11-Dagaalkii dhiilada badnaa ee ka dhacey Degaanka Buuhoodleh iyo kalshaale ee xilkiisii uu ku waayey taliyihii ciidanka qaranka ee waqtigaa, kaas oo ciidamo ay ku naf-waayeen qaarna ku dhaawacmeen.waxaana uu dagaalkani sababay in ay waayadan danbe ay xukuumadu ku fashilantey sidii degaankaa dawladnimada S/land loogu fidin lahaa ee loogu soo dabaali lahaa.

12-Diyaaradii sidey saanadda ciidamada ee Puntland ee Hargeysa Cigaal Air port lagu qabtay 12/1/11 ee waxoogaaga lacagta ah laga qaatey, kadibna lafasaxay ee oodda laga qaade.

13- 26/3/12 Raashinkii danyarta laga duudsiyey oo dhamaa 2 doonyood oo buuxa ee dib loogu eedeeyey xeyndaabkii madaxtooyada iyo madaxdii xukuumada taas oo aan ilaa iyo hadana aan la garaneyn Lunsigaa raashinkaa danyarta cidii masuuliyadeeda laheyd.

14- 20/3/12 Liisankii ama rusqadii qaraabo kiilka aheyd ee shirkada ninka keliya leeyahay la siiyey ee loo haneeyey loona caseeyey Wershadii Sibidhka iyo Buurihii Sibidhka oo ahaa ASSET-kii qaranka Somaliland oo dhami wada lahaa..

15- Ceebtii ka dhacdey Doorashadii golayaasha degaanka ee wadanka ka dhacdey 28/11/12 ee ay xukumuudu af-duubtey ilaadadii iyo foodkii shacabka, taas oo ay ku dhinteen dhalinyaro, qaarna ay ku dhaawacmeen halkaasna ay ku wiiqantey sharaftii iyo karaamadii doorashooyinkii S/land lagu amaani jirey ee lagu majeeran jirey, taas oo iyana sii sababtey in uu hoos u sii dhaco halbeegii qaramada midoobey ay ku cabiran jireen xaraarada nabadgelyada S/land ku negaatey oo hada kala wada yeeshay level kala duwan.

16) -Waxaa Ceeb ma hadho ah iyo bar nadow ku ah xukuumada Siilaanyo sidii ay umusuq-maasuqdey lacagtii Malaayiinka doolar aheyd ee loogu talo galey in lagu dhiso Madaarka Hargeysa iyo Madaarka Berbera, Taas oo aaney weli shacabka S/land ucadeyn siyaabihii ay lacagahaasi ku baxeen. Waxa shacabku isku raacey in qanadaraaskaa $10 Million ee dollar ka badnaa lugu abaalmariyey shaqsi keli ah oon shirkad aheyn ee degel meer ahaa.

17) -Waxaa Xukuumada Fadeexad qaawan iyo Ceeb ugu filan lacagihii Mallaayiinka Doolar ahaa ee xaqal-qalinka ahaa ee ay ka qaadatey Shirkadihii sameyska ahaa ee Sahaminta shidaalka oo ay ugu horeyso Genal Energey iyo shirkadaha kale ee DNO, ASDAN, RAC-GAAS, AVEAL, ASANTI OIL, OPHIN ENERGY, STERLING ENERGY, JACKA RESOURCES, BETRO SOMA, iyo EAST AFRICAN RESOURCE GROUP kuwaas oo aan dhamaan baarlamaanka la hor keenin oo midna aan la siin Shahaadad Maangashi oo baarlamaanku saxeexay.

18) -Waxaa iyana ay xukuumadani la kowsatay Caadooyin gunnimo ah oo ay had iyo jeer kula gal-galato Saxaafada madaxa banaan ee madaniga ah taas oo albaabada u laabtay wargeysyadii Haatuf,Hubaal iyo Somaliland times waxaana ay xabsiga dhigtey xukumadani tiradii ugu badneyd abid ee weriyeyaal la xidho oo la jidh dilo kuwaas oo gaadhaayey ilaa 70 weriye iyo madax badan oo Xisbiyada mucaaridka ka mid ahaa, Xildhibaano xasaanadii laga qaadey oo la xidhey iyada oo aan loo soo marin dariiqii sharciga ahaa.

19) Waxay si aargoosi degamsan ah xilalkii uga wada xayuubisey oo u geeso garaacdey wasiiro badan oo isku beel ka soo wada jeeda oo ahaa ragii ugu aqoonta iyo kartida badnaa xukuumadeeda waxaana ka mid ahaa mujaahid Mohamed Xaashi, Cimi, Boobe Yusuf Ducaale , Dr Mohamed Abdillahi Cumar, Dr Ahmed hashi Odey , Abdicasiis Samaale oo ay mission ku fushatay, Abdillahi abokor osman Wasiir ku xigeenkii hore ee Amniga, Taliyihii hore ciidanka qaranka general A/baasid nuux taani iyo taliyihii ciidanka ee ku sii xigay General Mohamed Hassan C/llahi ( jidhif ). Halka ay wasiiradii degaanka madaxweynaha ka soo jeedaa aan cidi taaban ee ay iyagu wada noqdeen lama bedelaan, lama taab taan, Ceeb ka saliin wada ah “Timir Lafbaa ku jirta” !!

20)- Waxay xukuumadani si arxandaro iyo axmaqnimo ah ay ugu isticmaashey awooda dawladnimo oo ay guryahoodii ku weerareen Ciidankeeda RRU-du Wasiir ku xigeenkii hore ee Amniga Abdillahi Abokor iyo Gudoomiye ku xigeenkii hore ee G/Togdheer Guleed Dahir Samatar, halkaas oo ay ciidankaasi ku gebe-gebeeyeen caruurtoodii iyo xaasaskoodii oo aan iyagu waxba galabsan. ( waana taariikh recorded ah )

21) -Waxaa shacabka ucadaatey in aaney maanta S/land jirin maslaxad qaran, maadaama ay xukuumada Siilaanyo ubanbaxdey burburinta jawigii hanaankii Dimuqraadiga ahaa ee Geedi socdokii Dimuqraadiga ee JSL ku taami jirtey mudada dheer, waxaaney Xukuumadani Siyaasadeedii hada isugu soo ururtey khidad daciif ah oo deris ku nool ah oo duunyo lunsi ah oo damac iyo dan gaar ah leh taas oo ay dhuuxa ka gashey Aargoosi degamsan, cadaawe siyaasadeed, xiisad sameyn iyo xaalad abuur ku raad gadasho ah oo ay ku raajicinayso uun waqti korodhsi uu aabihii goblamey oo dalka lagu boobaayo.

22)- Waxaa shacabka reer Somaliland wada daalacdeen in aaney xukuumadi laheyn karti siyaasadeed oo hufan oo ku saleysan feker buuxa iyo aragti dheer ( vision ) laakiin uu xaalkeedii hada ku soo ururey oo noqdey himbiriirsi, halaan hal,dhafan-dhaaf, dhalaan habaabis, dhal-dhalaal been ah, Wadadu- wadey daalibeysaa iyo musuq-maasuq xadkii dhaafey oo hantidii ummadda lagu lunsanaayo sifeyaal kala duwan oo cilmiyeysan.

23 )- Maadaama ay xaqdaro iyo dulmi badani uu wadanka ka dhacdey intii ay xukuumadani gadhwadeenka ka aheyd Somaliland, maanta iyo haatana ay faraha la gashey unugii ugu sareeyey qaranka JSL oo ah Dastuurkii iyo Goleyaashii Qaranka oo ummaddii indhahooda ku daalacdeen iyada oo usoo gur-guuraneysa habeenkii Golihii Guurtida iyo Golihii Wakiilada, taasina waxay wadanka ku keeni kartaa carqalado ,cawaaqib xumo iyo in Golayaashii la soo doortey laga aamin ka baxo kadibna gacmaha la isula tago oo dagaalka siyaasadeed uu hada isku bedelo dagaalo sokeeye oo qarxa, alleh ha inaga hayee.

Gunaanad: Siyaasadda guracan ee xaaluf daaqa iyo dhoobo qaadka ah ee xukuumada Siilaanyo waxay lumisey haykalkii, hanaankii iyo karaamadii dawladnimo,waxay lumisey burjigii, burhaantii iyo buruudkii qaranimo,taasna waxaa cadeyn kuugu filan fashilaadahaa iyo fadeexadahaa tirada beelay ee aan kor kaga soo dhawaajiyey .Sidaa daraadeed Danta guud ee Somaliland waxay ku jirtaa mar-walba iyo maantaba in isbahaysiga Mucaaridku shirweyne Qaran isugu yimaado oo xal la raadiyo oo wadanka laga badbaadiyo Haadkan iyo Haanraaweyaasha ku habsaday laguna soo dabaalo midnimo qaran iyo kefedii miisaanka ee sharciga aheyd.

 

Alleh ayaa Mahad Leh,

Wehelkiinu Waa-Alleh iyo Nebi(scs)

Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,

Qalinkii :A/rahman fidhinle

Qoraa Madax banaan

Intensive ED BD BA

United Kingdom

London

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed